AMISOM OO BEENISAY IN DALKA AY KA BAXAYAAN 2016-KA

Muqdisho (GT)-Ku xigeenka wakiilka gaar ah ee midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Lydia Wanyoto Mutende ayaa ka hadashay hadal dhawaan uu faafiyay wargeyska the New Vision ee kasoo baxa dalka Kenya, oo ku aadanaa in sanadka 2016 ciidamada AMISOM ay ka baxayaan dalka Soomaaliya.

Waxay sheegtay in hadalkaasi aysan jeedin iyada, laakiin hadal ay dhahday si qaldan loo tarjumay kadib wareysi ay siisay wargeyskaThe Observer ee kasoo baxa isla dalka Uganda, sida wargeyska uu baahiyay.
“Aniga sidaa maanan dhihin “AMISOM 2016 wey baxeysaa”, laakiin wargeyska New Vision ayaa aniga igu xusay qoraalka”ayay tiri Ku xigeenka wakiilka gaar ah ee midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Lydia Wanyoto Mutende.

Waxay sidoo kale sheegtay inay sharaxaad ka bixinaysay baarlamaanka Soomaaliya iyo dhismaha dowlada federaalka Soomaaliya sidii ay ku gaari laheyd doorasho xor ah sanadka 2016, laakiin si qaldan loo tarjumay.

Mar la weydiiyay su’aal ku aadaneyd waqtiga tasmiga ee ciidamada AMISOM ay qorsheynayaan inay isaga baxaan dalka Soomaaliya ayay ku jawaabtay:-

“Mararka qaar way igu adag tahay inaan su’aashaa ka jawaabo, sababtoo ah waad og tahay wali Alshabaab kama adkaan, mana dhihi kartid “Beri ayaan baxaynaa”, sidaasi daraadeed waan sii wadeynaa howlgalka caawinta Soomaaliya”ayay markale tiri Lydia Wanyota.

“Marka Alshabaab aysan la dagaalami karin dowlada lagana adkaado, maalintaasi ayaa la qaadan karaa go’aanka”ayay hadalkeeda kusii dartay.

Dhanka kale haweenaydan ayaa ka hadashay hadalkii dhawaan kasoo baxay ciidamada Uganda oo ahaa in muddo lix bilood ah aysan qaadan wax mushaarad ah, iyadoo sheegtay inuu jiro dib u dhac ku aadan lacagaha ka imaanayay wadamada taageera howlhalada ayna ka wada sinaayeen ciidamada AMISOM oo dhan.

Waxay sheegtay in muddo labo ilaa seddex bil lacagahaasi ay ka maqnaayeen ciidamada AMISOM laakiin markii dambe la xaliyay, iyadoo cadeysay in muhiimada koowaad ay u tahay sidii dhaqaalahooda ay u heli lahaayeen ciidamada AMISOM.

Gelinsoortimes@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More