AMISOM oo ka hadashay weerarkii lugu qaaday Axmed Daaci iyo ujeedka laga lahaa

Muqdisho [Gelinsoortimes] War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu faafaahiyay dagaal saaka ka dhacay Degmada Wadajir kaaasi oo dhaxmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo Maleeshiyo daacad u ah Gudoomiyihii hore ee Degmadaasi Axmed Daaci.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in iyagoo caawinaya Ciidamada Amaanka Somaaliya ay weerarakaasi qaadeen si ay usoo qabtaan hub sharci daro ah balse ay is difaaceen Maleeshiyaadkii taabacsanaa Axmed Daaci taasi oo badisay tirada khasaaraha.

AMISOM ayaa  sheegeysa in intii uu socday dagaalkii saaka ay kusoo qabteen 20-kamid ah Askartii dagaalka kala hortimid sidoo kalena ay la wareegeen Hub ay kamid yihiin 15-qori oo ah kuwa fud fudud iyo Saanad Milatari.

Afhayeen u hadlay Hay’adaha Amniga dalka ayaa xaqiijiyay in howlgalkan uu qeyb ka ahaa qorshaha sugida Amniga ee Dowladdu ay wado.

inkabadan 10-qof ayaa ku geeriyooday dagaal saaka Xaaafada Wadajir ku dhaxmaray Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda iyo Maleeshiyo daacad u ah Gudoomiyihii hore ee Wadajir AXmed Daaci.

Docda kale,gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Daaci, ayaa sheegay inuu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ee weeraray gurigiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay billawday dadaallo hubka looga dhigayo dadka weli hubaysan ee Muqdisho ku sugan.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu yahay kii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada, oo Al-Shabaab aysan ku lug lahayn, tan iyo markii ay Al-Shabaab ku dhawaaqeen inay ka baxeen Muqdisho sanadkii 2011-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More