AMISOM oo lagu Eedeeyay in Marka ay Xasuuq ka geeysteen

Muqdisho (GT) Qaar kamid ah Odayaasha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Keydmedia Online u sheegay in Ciidamada AMISOM ay Shalay Dad Shacab ah ku laayeen Magaalada Marka.

Teaser Image Ciidamada AMISOM oo lagu Eedeeyay in Marka ay Xasuuq ka geeysteen

Cali Axmed C/salaam oo ka mid ah Waxgaradka Magaalada Marka ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan Shan Ruux oo Caruur iyo Haween ah ay Ciidamada AMISOM Dileen Shalay, kadib markii Kooxo Hubeeysan ay ku Tuureen Bam xili ay marayeen Xaafada Ceel Jaale.

Ciidamada AMISOM ayaa Isla markiiba Rasaasta furay, waxeyna Goobta ku laayeen Caruur iyo Haween, sidoo kale 10 Qof oo kale ayaa ku dhaawacmay Rasaastaas.

“Ciidamada AMISOM waxaa ay Dadka Shacabkaa ku Rideen Rasaas aan loo meeldayin, Caruur iyo Haween ayey laayeen, waan in Sharciga la saaro oo Cadaalada la horkeeno” Ayuu yiri Cali Axmed.

Nabadoon Cali Axmed ayaa sidoo kale sheegay in aysan markii ugu horeysay aheyn oo AMISOM ay si barer ah Magaalada Marka Dad ugu disho, ka dibna aysan dib u soo laaban.

Waxaa uu Dowladda ugu baaqay in wax laga qabto Xasuuqa Ciidamada Afrikaanta ah ay Shacabka Soomaaliyeed ku hayaan sida uu sheegay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More