Axmed Daaci oo lagu xiray Xarunta Ugu weyn Hay’ada Nabad Sugida ku leedahay Magaalada Muqdisho

Warar aan ka helnay Saraakiil katirsan Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa noo xaiijiyay in Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadaw(Axmed Daaci) lagu xiray Xarunta ugu weyna Hay’ada Nabad Sugida ku leedahay Muqdisho.

Axmed Daaci oo shalay isku soo dhiibay Dowlada Soomaaliya kadib markii looga adkaaday Dagaal Ciidamadiisa ay la galeen Ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa AMISOM ayaa xalay lagu xiray Xarunta Hay’ada Nabad sugida.

Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha Mudulood ayaa Axmed Daaci ku qasbay in uu isdhiibo lana geeyo Xarunta Madaxtooyada , waxaana la sheegay in shalay saacado badan uu kusugnaa Madaxtooyada kadibna lagu amray Axmed Daaci in lagu xiro Xarunta Hay’ada Nabad Sugida.

Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugida ayaa su’aalo waxa ay Xarunta ay Hay’adaasi ku leedahay Guriga Habar Qaiijo ku weediinayaan Axmed Daaci iyo xubno kale oo la socday oo lagu soo qabtay Howlgalkii shalay.

Lama saadaalin karo sida uu ku dambeyn doono Xaalka Axmed Daaci iyo Xubnaha lala xiray oo shalay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabad Sugida kala hortagay dagaal dhiig badan ku daatay kadib markii weerar lagu qaaday Hoyga Axmed Daaci ka dagan yahay Degmada Wadajir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More