Barakac ka Bilowday Degmooyinka Buula Mareer iyo Baraawe.

Wararka ka imaanaya degmooyinka Buula mareer iyo Baraawe oo ka mid ah gobalka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan inuu halkaasi Barakac xoogan ka bilowday ka dib Markii ciidamada dowlada iyo Kuwa Amison ay halkaasi ku dhaqaaqeen.

Wararka ayaa sheegay in shacabka degaanadaasi ku dhaqan ay bilaabeen in ay isaga qaxaan ka dib cabsi xoogan oo ay dagaaladaasi ka muujiyeen iyagoo u cararay degaanada kale ee gobalkaasi ka Tirsan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay guluf ballaaran ku qaaday Buulo Mareer, iyadoo deegaankan uu ilaa 80-KM u jiro degmada muhiimka ah ee Baraawe, halkaasoo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Wararka aya waxay intaasi ku darayaan in ciidamada huwan ee is kaashanaya ay kaabiga ku haayaan degaanka Buula mareer halkaasi oo ay in muda ah ku sugnaayeen ciidamada Kooxda Al-shabaab.

Dhinaca kale degmada Baraawe ee xeebta ku taal ayaa iyana barakac uu ka socdaa, iyadoo ciidamada huwantu ay qorsheynayaan marka ay qabsadaan Buulo Mareer ay u gudbaan, kana weerareen dhowr jiho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday howl gal ay ugu magac dartay Badweynta Hindiya, kaasoo ay sheegtay in qorshihiisa yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka.

Hase ahaatee ma jiro ilaa iyo hada wax dagaal Fool ka fool ah oo dhinacayada halkaasi isu hub Aruursanaya dhex maray balse cabsida xoogan ay jirto wixii warar ah eek u soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More