Beesha Caalamka oo ku baaqday in Ciidamada Soomaaliland ay ka baxaan Saax-dheer

Wakiilka Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Qaabilsan Soomaaliya, Ergayga Gaarka ah ee Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ka Codsaday dhammaan Ciidamada Hubaysan in ay ka Baxaan Saaxdheer ee gobolka Sool.

Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michel Cervoned’Urso ayaa walaac weyn ka muujiyey ciidamada hubaysan ee la geeyey Saaxdheer  gobolka Sool iyo khilaafka ka dhashay.

“Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah dib looga saaro ciidamada hubaysan Saaxdheer, iyo in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiista la haysto. Waxaan ku boorineynaa dhammaan qaybaha in ay ka waantoobaan rabshado iyo in ay sameeyaan dedaal wadajir ah si loo dajiyo, looguna xalliyo khilaafka nidaam wadahadal oo nabadeed. Dhammaan qaybaha waa in ay si degdeg ah u sameeyaan dedaalo muujinayo doonis dhab oo ku aadan abuuritaanka xaalad muhiim u ah daganaansho waarto oo ka dhacda gobolka.”

Wakiilka gaarka ah ee dowladda Mareykanka, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo safiirka Midowga Yurub waxa ay ku boorinayaan maamulka Soomaaliland iyo dadka dagan gobolka xaaladahaan ay saameysay in ay isku howlaan waddo nabadeed oo wax dhisaysa si qaab wadajir ah meesha looga saaro khilaafka. Waxay muujinayaan sida ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dhammaan qaybaha in ay raadiyaan xeer-jajab iyo in laga shaqeeyo nabad iyo daganaansho waarta oo ka hirgasha gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More