Cabdiweli Gaas oo la Kulamay Wefdi ka socda UNOCHA(Sawiro)

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Kullan aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kula qaatay Madaxa Hay’adda isku xirka arrimaha Bini’aadanimada uqaabilsan Qaramada Midoobey UNOCHA ee Soomaaliya Ms. Edem Wosornu iyo wefti balaaran oo la socday.

Kullanka ay Ms. Edem Wosornu iyo xubnihii la socday ay la qaadateen Madaxwayne Gaas ayaa waxaa iyaguna ku wehliyay Francis Lenoh oo ah Madaxa Xafiiska Hay’adda UNOCHA ee Puntland iyo Maxamed Cismaan oo ah Humanataria Affairs Analyst UNOCHA ee Garoowe.

Mudadii uu socday kulanku ayaa Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Ms. Edem Wosornu waxaa ay ka wada hadleen sidii wax loogu qaban lahaa Dadka iyo duunyada ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxwayne Gaas ayaa sidookale Ku wargaliyey Madaxda Hay’adda UNOCHA ee Soomaliya in ay ay jiraan gobolo badan oo ka tirsan Puntland in abaarahu ay hala keeyeen, welibana tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore ee lasoo dhaafay bishii ay jireen deegaano badan oo abaaruhu dhibaatooyin laxaadleh u geysteen.

Madaxweynaha dawlada Puntland ayaa ku wargeliyey hay’ada UNOCHA in mucaawinada ay ugu talageelen Puntland ka soo dajiyaan oo kaliyah Dekeda Weyn ee Boosaaso,islamarkaana aanay suurtagal ahayn in mucaawinada usocota Puntland lasoo mariyo Dekeda Berbera, marka laga eego dhanka dhakhsaha iyo istiraatiijiyadana ay u dhowdahay dekada Boosaaso.

Madaxwayne Gaas ayaa ugu danbayntii ku taliyay inay muhiim tahay isku xirka dekada Mombasa iyo dekada weyn ee magaalada Boosaaso, si loogu sahlo shacabka reer Puntland in deg deg  loo gaarsiiyo gargaarka Bani’aadananimo.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_7759 IMG_7765 IMG_7766 IMG_7767 IMG_7770 IMG_7784

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More