Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Deegaan Muhiim ah.

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, iyadoo halkaasi lagu soo waramayo in ay isaga carareen meleeshiyaadka Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa faafaahin ka bixiyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta degmada Tiyeeglow ee gobolkaasi.

“Ciidamada wax iska hor imaad ma aysan la kulmin, maalmahaan waxa ay ciidamadu wadeen howlgallo dib gacanta dowladda loogu soo celinayo deegaannada ay ku suganyihiin maleeshiyada Al-Shabaab, shanta degmo ee gobolkana maanta gacanta dowladda ayay ku jirtaa” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Xudur.

Dhanka kale Guddoomiyaha Degmada Xudur ayaa uga digay ganacsatada qaarkood ee weli u adeegaya maleeshiyada Al-Shabaab inay ka waantoobaan, isagoo intaa ku daray in ciddii lagu hela iyada oo meelgalineysa kooxaha nabad diidka ah tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More