Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Deegano katirsan Bakool.

Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool ayaa sheegay in maanta ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Tiyeeglow iyo deegaannada kale oo horey ay u maamuli jireen kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee maamulka Dowladda Soomaaliya Maxamed Macallin Axmed ayaa xaqiijiyey la wareegitaanka degmada Tiyeeglow, isagoo sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu sii socon doono inta laga xorreynayo deegannada kooxda kaga sugan tahay gobolka Bakool.

Maxamed ayaa xusay in wax dagaal ah aanu ka dhicin degmada, islamarkaana kooxda Al-Shabaab ay saaka isaga baxday kaddib markii ay ogaadeen inay ku soo wajahan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.

Dhinaca kale, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo shacabka degmada Tiyeeglow ayaa si wada-jir ah ugu soo dhoweeyey degmada ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee gaaray halkaas.

Degmada Tiyeeglow waxay ka mid aheyd degmooyinka ay kooxda Al-Shabaab ku cunaqabateyn jirtay raashinka iyo adeegyada aasaasiga ah ee soo gala degmooyinka Xudur iyo Waajid oo ay ka arrimiso dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More