Ciidamada Kenya oo Caawa faarujiyay Deegaano katirsan Jubbooyinka…

Wararka Caawa laga helayo Deegaano katirsan Gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay isaga baxeen Deegaano dhowr ah isla markaana Muddo ay ku sugnaayeen oo ay ku caawin jireen Ciidanka Mamulka KMG ah ee Jubba.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in caawa si rasmi ah ay ufaarujiyeen Deegaano ay kamid tahay tuulada Buurgaabo, Qaar kamid ah Shacabka ku sugan duleedka tuuladaasi ayaa sheegay in caawa maqribkii isgaarsiinta hawada laga saaray islamarkaana ciidanka Kenya ay galabta dudumiyeen difaacyadii ay ku lahaayeen agagaarka dekadda Macmalka ah ee Tuuladaasi.

Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in ay Ciidamadaan ka guuray Tuulada Buurgaabo aysan uguurin Deegaan kale balse ay u baqooleen Dalkooda.

“Ciidanka Kenya Deegaanka Raaskaambooni way ka baxeen Buurgaabo way xirxirteen qalabkooda oo waxaa lafilayaa in ayba xiligan baxayaan sababtoo ah isgaarsiintii ayay hawada ka saarayeen gelinkii danbe ee Maanta” Sidaasi waxaa yiri qof ku sugan deegaanada Joorraha loo yaqaan.

Dhanka kale Goob Joogayaal ku sugan Deegaano kale oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa xaqiijiyay in boqolaal katirsan ciidanka Kenya ay baneeyeen dhul ballaaran oo ku teedsan xeebta Jubbada Hoose.

Waxaa lasoo warinayaa in Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo iyagana haatan wadaan Diyaar garoow ay kaga baxayaan Magaaladaasi maadaama aysan ku qanacsaneen joogisteeda haatanna ay ku faraxsan yihiin Hadalka Madaxwaynahooda maanta kasoo baxay ee sheegaya in Ciidanka kenya oo idil laga soo saarayo meelaha ay kaga sugan yihiin Somaliya.

Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba waxaa haatan lasoo daristay Xaalad Cabsi ah maadaama ay waayeen Difaacii ka hor taagnaa Ciidanka Barre Hiiraale waxaana laga yaaba in Maalmaha soo socda Ciidanka kenya ay ka baxaan Kismaayo isla markaana ay duulaan kusoo qaadaan Dagaalamayaasha taabacsan Siyaasi Barre aadan shire Barre Hiiraale oo ku sugan Duleedka Magaalada.

——————————————————————

Wariye Cumar Siciid C/raxaan Laki Man

Xafiiska Wararka Gelinsoortimes.com ee Somaliya

E-Mail:Cumarlaki@Gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More