Ciidamada Uganda oo Mushaar la’aan ka cabanaya.

army_amisom

Ciidamada dowlada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaanan qaadan wax mushaaraad ah muddo lix bilood ah, sida uu sheegay xildhibaan ka tirsan gudiga difaaca baarlamaanka Uganda.

Askarta ayaa la sheegay in baarlamaanka ay ka dalbadeen inay arintaasi ka jawaabaan, waxaana askari kastaa u qoray mushaar ahaan 1,028 doolar, sidaasi waxaa sheegay xildhibaan laga soo doorto koofurta Kigulu oo lagu magacaabo Milton Muwuma.

Xildhibaanka ayaa sheegay in askar badan uu taleefoonka kula hadlay ayna u sheegeen inaysan wax mushaaraad ah qaadan muddo lix bilood, isagoo u sheegay sidaasi wargeysyada kasoo baxa dalkaasi.

“Markii aan diiwaan geliyay arimo badan oo iiga imaanayay askarteena ku sugan soomaaliya, waa arin wasaarada difaaca looga baahan yahay inay shaaciso xiliga ay na hor imaanayaan inta gudiga dicaafa iyo arimaha caalamka uusan kulmin”sidaasi ayuu yiri xildhibaan Muwuma.

Masuuliyiin ka tirsan wasaarada difaacaa ayaa sheegay inay jadwaleeyeen xiliga ay la kulmayaan gudiga difaaca iyaga oo kala hadlay qorshaha miisaaniyada 2014/15. taliyaha ciidamada difaaca Uganda Gen Katumba Wamala ayaa Talaadadii sheegay in dib u dhaca dhaqaalaha uusan aheyn qiyaano lagu sameynayo ciidamada Uganda.

Laakiin wuxuu sheegay inay jiraan lacago aan askarta loo siinin sida mushaaradka oo kale laakiin loo siiyo sida gunooyin ay leeyihiin.

“AMISOM ma ahan howlgalka Uganda, waxaa qaabeeya midowga Africa haddi aysan la siinin lacagtana ma u gudbin karno ciidamadeena”ayuu hadalkiisa kusii daray taliyaha ciidamada Uganda.

Wuxuu sheegay in midowga Africa lacagaha ay kaga timaado midowga Yurub, haddii aysan helinna marnaba suurta gal aheyn inay dhaqaalo siiyaan ciidamada midowga Africa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More