Ciidanka DFS oo Boobay Qalabkii Haraadiga ahaa ee Idaacaha Shablle iyo Sky Fm.

Qalab idaacadee oo la boobay

Ciidamada ka tirsan kuwa Nabad Sugidda oo uu hor kacayey Taliye ku Xigeenka Ciidanka Nabad sugidda Cabdifitaax Shaaweeye ayaa Caawa gebi ahaan rartay Qalabkii Idaacadaha Shabelle iyo SKY FM kadib markii ay xarunta ku soo weerareen Gaadiid dagaal oo badan.

Ciidamadan ayaa markii ay soo galeen Xarunta Idaacada ku qasbay Shaqaalihii Idaacada ee gabaadka ka dhiganyey Xarunta Idaacada si aan loogu dili Xaafadahooda haddii ay u hoydaan  in ay raraan qalabka Idaacada oo aysan waxba ka tegin oo ay alaabta Xamaalaan iyagoo intaa kadib fuliyey amarkii la siiyey oo Qalabkii Idaacada oo dhan ku raray Gaadiidkii ay wateen NabdSugidda.

“waxaan fulinay Amarkii ay na siiyeen Nabad Sugida waxaan rarnay qalabkii Idaacadaha Shabelle iyo SKY waxaana ka buuxinay Baabuurtii ay wateen keliya waxaan laga tagay Kuraastii, Miisaskii iyo Joodariyaashii an ku seexanaynay“ ayuu yiri Wariye ka tirsan Shabelle oo dhidid Fara badan ka baxayey markii uu hadlayey isagoo ku soo daalay rarida Qalabka .

Cabdifitaax Shaaweeye ayaa markii uu soo galay Xarunta Idaacada waxaana wehliyey sarkaal la yiraahdo Cabdi dheere ayey Shaqaalaha Idaacada waxa ay tuseen Warqad ka soo baxday Xeer Ilaaliyaha Cusub Axmed Cali Daahir ee dhawaan ay Magacaabeen Golaha Wasiirada Balse Magacaabistiisa ay Sharci darro ku tilmaameen Guddiga Adeega Garsoorka oo uu Gudoomiye u yahay Gudoomiyaha Maxakamadda Sare Caydiid Ilka Xanaf warqadaasoo amraysa in nabad sugidda ay soo raraan dhamaan qalabka Idaacadaha Shabelle iyo SKY, lana soo xiro Shaqaalaha Idaahadaasi inkastoo aysan xirin shaqaalihii.

Maanta ayey ahayd markii Idaacada shabelle ay Hawada ku soo noqotay muddo % cisho ah kadib, hasayeeshee saacado kooban oo ay hawada ku jirtay waxaa idaacada Hawada ka saaray Ciidamada Nabad sugida.

weli waxaa ku xiran Xabsiga laga dayriyey ee Godka Jilacow iyadoo waaxani ay dhacayaan Sadex suxufi oo uu ku jiro Gudoomiyaha Shabelle Cabdimaalik Yuusuf oomaanta la  ay soo booqday ayaa xaqiijiyey in gacanta Midig aysan shaqaynayn Feerahana ay dhibaato jir dila ah ka soo gaartay iyadoo aan wali Isbitaal la gayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More