Ciidanka huwanta oo si buuxda ula Wareegay Buula Mareer

Wararka ka imaanaya Degaanka Buulamareer ee gobalka Sh/hoose aya waxay sheegayaan in ciidamada huwanta ay halkaasi si buuxda ula wareegeen ka dib dagaal ay la galeen kooxda Alshabaab.

Saraakiil ciidan oo ka tirsan Dowlada federaalka dalka Somalia ayaa si buuxda u sheegay in ay qabsadeen degaanka Buula Mareer halkaasi oo ay ku sugaanaayen Kooxda Alshabaab.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa iska caabin ku hayay ciidamada intii ay ku soo wajahnaayeen Buulo Mareer, waxaana lagu tilmaamay dagaaladii maanta inay ahaayeen kuwii ugu cuslaa ee mudooyinkan ka dhaca Gobolka.

Ka hor ciidanka dowlada oo kaashanaya kuwa Nabad ilaalinta Midowgta Africa ee Amison aysan la wareegin degaanka Buulada Mareer ayaa waxay dagaal xoogan ay ciidankii kooxda Alshabaab kula galleon degaanada Golweyn iyo Buulamareer inta u dhaxaysa balse markii dambe uu dagaalka gudaha Magaalada ku fiday,

Ma jirto ilaa iyo iminka cid si rasmi ah u xaqiijin Karta inta uu la eg yaha qasaaraha labada dhinac ka soo gaaray Dagaalka Saaka halkaasi ka bilowday kaasi oo ilaa iyo waqtigan soo gaaray.

Degmada Buulo Mareer ee gobalka Sh/Hoose  ayaa ilaa 120 KM dhanka koofur kaga beegan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Dadkii ku sugnaa degaanka Buula Mareer ayaa gebi ahaanba isaga baxay ka dib markii ay cabsi xoogan ka muujiyeen,saameynta uu dagaalkaasi ku yeelan karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More