C/Weli Gaas oo diiday ka qeyb-galka shir ka socda Muqdisho…sabab?

Muqdisho (GT)  Mas’uuliyin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda Puntland uu diiday ka qeyb-galka shir ka socda Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa la sheegay in loo dira farrin taas oo loogu sheegayo inuu ka soo qeyb-galo shir ka dhacaya Muqdisho oo ay isku arkayaan madaxada faderaalka,maamullada dalka ka jira iyo xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Balse waxaa goor dhaweyd si rasmi ah u furmay shirka lugu casuumay madaxweynaha Puntland,kamna uusan qeyb-galin,inkasto ay joogan qar ka mid ah madaxada maamullada dalka ka jira.

Sababta uu madaxweyne Gaas shirkan ugu soo qeyb-gali waayey waxaa lugu sheegay arrimo la xiriira khilaafka Puntland iyo faderaalka kaas oo an wali la xalin,kaddib markii dhawaan uu madaxweynuhu shaaciyey inay xiriirka u jareen dowladda dhexe.

Madaxda maamullada ee shirka lugu casuumay waxaa ka mid ahaa madaxweynaha maamulka Jubba,Axmed Madoobe waxuuna soo ajibaay casuumada barqadii maanta ayuuna Muqdisho ka soo deggay.

Axmed Madoobe ayaa xilligan hareer fadhiya madaxda faderaalka isagoona ka qeyb-galaya shirka golaha ammaanka iyo madaxda Soomaalida oo ka socda Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland isagoo maalmo ka hor saxaafadda kula hadlay Boosaaso waxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu kala hadlo dowladda dhexe ee Soomaaliya khilaafadka xilligan jira ee ka bilowdey maamul u sameynta gobollada dhexe ee Soomaaliya.

 

Gelinsooritmes

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More