DAAWO: Madaxda Shirkaddii dhisi lahayd Garoonka Boosaaso oo maanta Yimid.

Afar ka mid ah Engineerada Shirkada Ku guulaysatay qandaraaska hismaha Runway-ga garoonka Bender qaasim ee magaalda Bosaso ayaa maanta kasoo degay magaalada Bosaso ee xarun Ganacsiga Puntland.

Shirkada dhisaysa garoonka oo lagu magcaabo China Civil Engineering Constructions Corporation (CCECC) oo laga leeyahay dalka China ayaa si toos ah dhowaan u bilaabi doonta hawlaheeda shaqo ee garoonka,waxana uu socdaalkaani ahaa kor-meerkii ugu damayay ee lagu samaynayo Garoonka Bosaso.

Wafdigan oo ka koobnaa Afar Engineer waxaa garoonka kusoo dhoweyey Mas’uuliyiin uu ugu horeeyo wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xassan Xaaji Saciid.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada puntland oo soo dhowaynta kadib Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in wafdigaan ay u socdaan kormeer iyo indha-indhayn,sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay in socdaalka Engineerada uu ka mid yahay bilowga hawsha.

Si kastaba ha’ahaatee dad-waynaha reer puntland ayaa u haqal taagaya in ay helaan garoon caalami ah oo ay si fudud uga soo degaan,ugana dhoofaan.

Halkan Hoose kadaawo Sawirada

8

524871

E

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More