Dad Rayid ah oo Caawa lagu dilay Degmo katirsan Muqdisho.

Dad shacab ah oo Muqdisho lagu dilay

Koox hubaysan oo wata Gaari Nooca Raaxadda ah, ayaa Goor-dhow oo Caawa ah waxa ay ku toogteen 3 Qof Gudaha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegay in Kooxda ay Raas xoogan ku fureen Saddexda Ruux xilli ay taagnaayeen Afaafka hore ee Goob Ganacsai oo ku taalla meel u dhaw Xarunta Maamulka Degmada Boondheer, waxaana Rasaasta ay sababtay inay dhinteen Saddexda Qof oo Shacab ahaa.

Mid kamid ah Ragga la toogtay ayaa la sheegay in uu ahaa Injineer Gurayaha dhisa, mana la oga Cid Dilka fulisay iyo sababta loo Dilay intuba.

Maamulka Degmada Boondheera ayaa Ciidamo u diray Goobta, balse kuma aysan guulaysan inay soo qabteen Dhagarqabayaasha oo Gaariga ay wateen ku baxsaday.

Dilalka loo adeegsado Baabuurta ayaa kusoo badanaya Muqdisho, iyadoo dhowr Xildhibaan dhawaan ay dileen Rag saaran Gaari oo markii dilka fuliyay baxsaday.

Waxaana Xusid mudan in muqdisho ay caado ka noqotay Dilalka Rayidka, waxaana Taasi muujinaysaa in Muqdisho Nafta Bin’aadanka Qiimo ku fadhin, Wallow Maalinta Qiyaamo lala Xisaabtami doono Dadka Caadaystay in ay ku qubaystaan Dhiiga Shacabka aan waxba galabsan.

————————————————————————

Wariye Cumar Siciid C/raxmaan Laki Man

Xafiiska Wararka gelinsoortimes.com ee Somaliya

E-mail.Cumarlaki@Gmail.com


Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More