Diyaar garowga Calleema Saarka Cali Khaliif oo saaxdheer ka socota(Sawio)

 

Diyaargarowga Xafladan la doonayo in lagu Calleema Saaro Madaxweyne Cali Khaliif Galeydh-iyo Ku xigeenkiisa ayaa xiligan si weyn uga socota gudaha degaankan Saaxdheer ee gobalka Sool.

 

Dadweynaha ku dhaqan Degaankan Saaxxdheer ayaa si weyn ugu Diyaaroobay ka qeybgalka Xaflada Calleema Madaxda Khatumo iyadoo xubno kale duwan oo loogu talagalay in ay goob joog ka ahaadaan xafladan ay degaanka ku soo qul qulayaan.

 

Gudoomiyaha gudiga qaban Qaabada Xaflada Callema Maryan Hasan Diiriye ayaa warbaahinta uga warantay qaabka ay ku socoto Xaflada Calleema Saarka Madaxda Cusub ee Khatumo.

 

Sidoo kale waxay sheegtay in si weyn ay shacabka ku dhaqan gudaha degaanka Saaxdheer in ay uga mahad celinayaan sida wacan oo ay xubnaha gudiga gacan dheer uga siiyeen sidii ay howshan baaxad leh u gudan Lahaayen Mudada ay xafladan Calleema Saarka socoto.

 

Marka loo eego dhinaca Amaanka waxaa jira dhaq-dhaqaaq ciidan oo dulleedyada degaanka Saaxdheer ee gobalka Sool ay ka wadaan Ciidamada Maamulka Khatumo iyo kuwa Somaliland iyadoo arintaasina si weyn looga dareemayo degaano ka tirsan gobalka Sool.

 

Ku xigeenka Madaxweynaha Maamulka Khatumo Cabdallah Maxamuud Cali Heybe oo aan kula Kulmay gudaha degaanka Saaxdheer ee gobalka Sool ayaa Waxaan wax ka weydiiyay sababta ku soo beegtay in ciidamo ka Tirsan Somaliland ay degaano ka tirsan gobalka Sool dhaq dhaqaaqa ciidan ka sameeyaan..

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Khatumo Maxamuud Shiekh Cumar Xasan ayaa isna aan weydiiyay haddii ay sii socdaan dhaq-dhaqaaqyadan ciidan ee ka socda degaanada Hoosyimaada sii socdaan saameynta ay dhinaca qabashada Xaflada Calleema saarka ku yeelan Karto.

 

Hase ahaatee Wafuudo kale duwan oo ka kale imaaneysa gudaha dalka iyo dibediisa ayaa iyana soo gaaraya degaankan saaxdheer-si ay maalinta berita uga qeybgallaan xafladan lagu calleema saaaray Madaxweynaha Mamulka Pro- Khatumo Cali Khaliif iyo Ku ixgeenkiisa Cabdlaha Maxamuud Cali Heybe.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More