Farmaajo: “Guuldarro ayuu Madaxweyne Xasan Sh. kala soo noqday Mareykanka”

Muqdisho (GT) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka been sheegay Natiijadii ka soo baxday Shirkii Mareeykanka iyo Hogaamiyaasha Afrika, taas oo aheyd in DFS ay Guul ka soo hooysay Shirkaasi.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Wareysi siiyay Idaacadda Radio Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa dhaliilay Madaxweynaha, wuxuuna sheegay in intuu Xasan Sheekh hayay Xilka, Dowladdiisu ay ku guul dareysatay Xaqiijinta Ammaanka iyo soo celinta Dhaqaalaha.

Farmaajo ayaa sheegay in DFS ay weeysay Taageeradii Mareykanka, wuxuuna sheeegay in Shacab war aan jirin loo sheegay in wax laga Xumaado ay tahay in Shacabka Soomaaliyeed been loo sheego, oo laga dhaadhiciyo wax aan jirin.

“Dalkii Ammaan kama jira, Caasimaddii Nabad ma ahan, Adiga Gurigaaga (Villa Somalia) ayaa dhow jeer lagugu soo weeraray, waxaa la dilay dhowr Xildhibaan, marka waxaa la yiri sidee Maalgalin uga hadli kartaa hadiiba aadan suggin Ammaanka Dalkaaga (…) Madaxweynuhu Jawaabtiisa waxey aheyd in Qatartaas la qaato oo la gallo risk” Ayuu yiri Farmaajo.

“Madaxda dowaldda oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxay heleen fursad wanaagsan, balse ugama faa’iideysn sidii la doonayay (…) Ammaankii oo faraha kasii baxaya ma sugin, howsha kama aysan bilaabin dib u heshiisiin, dhaqaalihiina wali dhulkuu yaallaa,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale Farmaajo ayaa ka hadlay Muranka Badda Soomaaliya ka taagan xiligaan, waxaana uu sheegay in Go’aanka Badda Soomaaliya uu u yaalo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waa Wareysigii Labaad oo uu muddo Asbuuc gudahiisa ku dhaliilayo Madaxweynaha iyo Waxqabadka Dowladda Federaalka.

 

Gelinsoortimes

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More