Fight For Somalia: “Dagaalka waa in deg deg loo joojiyo” Ra’isalwasaare Cabdiwali

Muqdisho, Juun 9, (GT)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo saaka shir gudoominayey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen gudiyadda Amniga iyo Siyaasadda ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaallada u dhexeeya dadka walaalaha ah ee maalmihii u danbeeyey kasoo cusboonaaday gobolka Shabellaha Hoose.

Shirkan ayaa Gudiyaddu waxay ku lafa gureen xaalada murugsan ee ka taagan gobolka Shabellada Hoose. Kadib markii ay xukuumaddu heshay xog sheegaysa in magaalada Marka ay saaka markale dagaalo ka dhaceen.

iyadoo laga jawaabayo xaaladaas deg dega ahna, waxaa xukuumaddu go’aansatay qodobadaan hoos ku qoran:

1. In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 09/06/2014, dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay joojiyaan xabadda iyo colaadda.
2. In si deg deg ah looga saaro dhammaan maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan goobihii lagu diriray laguna wareejiyo ciidanka dowladda.
3. In mas’uuliyadda amni ee magaalada Marka iyo guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose ay si deg deg ah ula wareegaan Ciidamada Amniga ee Soomaaliya.
4. Si loo fuliyo howshaas deg degga ah, waxaa magaalada Marka tagaya wafdi sare oo ay hogaaminayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Wasiirka Gashaandhigga ahna sii haya Wasiirka Amniga Qaranka.
5. Waxaa laga dalbayaa Taliska Ciidamada AMISOM in ay gacan baaxad leh ka geystaan xabad joojinta iyo xasilinta amni ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay dagaalada ka socda gobolka shabeelada hoose nasiibo daro u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo colaado soo daashadeen.

“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacayey gobolka Sh/hoose maalmihii u dambeeyey, waana dagaal ay wax yeelo ka soo gaartay dad shacab ah, madaama dushooda lagu dul dagaalamay. Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka, khilaafkana goggol nabadeed lagu xaliyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kalana tacsi u diray qoysaskii dadkoodu ku wax-yeeloobeen dagaalkaas.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aan marna loo dulqaadn karin dhiig Soomaaliyeed oo sii daata, dagaalada hada socdana ay yihiin kuwo ay ka fa’iidaysanayaan codawga soomalaiyeed ee Alshabab,

“Xukuumaddu waxay aad ugu mashquulsan tahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dagaalkaan kusoo noq-noqonayey gobolka Sh/hoose” ayuu yirii Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo dhinaca kalana ka codsaday waxgaradka gobolka Shabellaha Hoose inay ka qeyb qaataan xal-u-helida dhibaatada gobolka ka jirta.

GTimes newsdesk

One Response to Fight For Somalia: “Dagaalka waa in deg deg loo joojiyo” Ra’isalwasaare Cabdiwali

  • Thank you for the good writeup. It in fact was a amusement account it. Look advanced to far added agreeable from you! By the way, how can we communicate? kbeafdcdecek

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More