Fight For Somalia: Wakiilka AU oo Walbahaar ka muujiyay isku dhacyada ka taagan Gobolka Shabelle Hoose

Mogadishu 09ka Juun 2014: Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa muujiyay walaaciisa dagaalada ka sii dhex socdo dhinacyada ku dagaalamayo gobalka Shabelle Hoose wuxuuna ugu baaqay dhinacyadaas inay si deg deg ah u joojiyaan gacan ka hadalka.

“Waxaan ku baaqayaa degenaansho iyo dib u heshiisiin. Xaalada laguma xalin karo gacan ka hadal. Hinacyada oo dhan waa inay ka joogsaaan falalka gacan ka hadalka ah, sameeyaana dadaalo toos ah oo ay uga gudbayaan xaaladaas kuna xaliyaan farqiga u dhexeeyo wada hadal nabadeed iyo xal meel dhexaad ah,” ayuu yiri Ambassador Annadif oo ku daray dagaal wuxuu u adeegayaa wax fool xumeynta iyo hor istaaga geedi socodka guulihii laga gaaray xasilinta Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan inay dadka rayidka ah bilaabeen inay ka qaxaan magaalada iyo dhulka ku hareereysan, cabsi ay ka qabaan inuu dagaalka dhib ka soo gaaro ayadoo ay wax ka badan 250 ruux gudaha ku barakeceen. Bara kacayaashu hada waxay magan gelyo u galeen xarumaaha AMISOM ee Ceel Jaale iyo Marka.

Ambassador Annadif wuxuu ku cel celiyay balan qaadka AMISOM ee ah inay la shaqeyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoogageeda nabad gelyada sidii loo xasilin lahaa amaana looga dhigi lahaa Soomaaliya.

“AMISOM oo la tashaneyso bulshada caalamka waxay u joogtaa inay ku taakuleyso dhamaan dhinacyada sidii loo heli lahaa is fahan buuxo taasoo qeyb ka ah dadaaladeeda ay sare ugu qaadeyso nabada, amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya” ayuu ku soo dhameeyay hadalkiisii.

GTimes Newsdesk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More