Golaha Wasiirada Somaliya oo kulankoodi Maanta kaga dooday Abaaraha Somaliya.

Wasiirrada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan looga hadlay abaaraha, ammaanka iyo saxaafadda ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominayay raysul wasaare ku-xigeenka dowladda, ahna wasiirka diinta iyo awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray arrimo la xiriira  abaaraha ka jira dalka.

Wasiirrada oo  dood dheer ka yeeshay xal u helidda mushkiladda abaaraha ayaa sheegay in iyagu ay hoggaaminayaan dadaallada wax loogu qabanayo dadka ay saameysay abaaraha laga digayo inay ka dillaacaan Soomaaliya.

Mudane Ridwaan ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay ka qeyb-qaataan gurmadka loo fidinayo dadka dhibaataysan.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale warbixin ku aaddan ammaanka ka dhegaystay wasiirka ammaanka qaranka Khaliif Axmed Ereg, wuxuuna sheegay in gacan bir ah lagu dhigay amniga caasimadda kaddib howlgallo ay iska kaashadeen laamaha ammaanka oo garab ka helaya shacabka Soomaalida.

Golaha ayaa ugu dambeyn ka dooday hindise-sharciyadeedyada la xiriira saxaafadda, xannaanada xoolaha, siyaasadda iyo waxbarashada, kuwaasi  oo lagu wado in dhowaan  goluhu ansixiyo si loogu gudbiyo baarlamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More