Guddiyada Joogtada Ee Baarlamaanka Oo Su’aalo Ku Aadan Amniga Weydiiyay Wasiirka Amniga

Muqdisho (GT)-Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka dalka ayaa su’aalo ka weydiiyay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg weerarkii ciidamada Nabadsugida ay ku qaadeen hooyga Muqdisho uu ka degan yahay Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci.
Kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa su’aalo lagu weydiiyay Wasiirka Amniga oo wax laga weydiiyay sidii howlgalkaasi uu udhacay iyo qaabka ciidamada ammaanka dalka ay u wajaheen howlgalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Xasan Jawaari, ayaa madasha ka sheegay in Xukuumadda laga rabo in laamaha ammaanka dalka ay ku booriso ilaalinta amniga iyo Xasaanada ay leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka dalka, xilli dhawaan ay aheyd markii la weeraray guriga Muqdisho uu ka degan yahay Xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa tilmaamay in dhacdadii 15-kii bishaan ka dhacday Degmada Wadajir Wasaaradda amniga Qaranka looga fadhiyo in ay soo saarto warbixin cad oo ku aadan sida ay wax u dhaceen, Xukuumadduna ay ka tacsiyeyneyso dadkii ku dhintay, ayna soo saari doonaan qoraal cad oo lagu qeexayo arrimahaasi.

Ugu dambeyn Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg, ayaa sheegay in howlgalkii Jimcihii dhacay uusan aheyn macnaheeda in weerar lagu ahaa Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir, balse ujeedka uu ahaa bartilmaameedka xubno ka tirsan Shabaab oo Degmadaasi ku sugnaa, waxaana Wasiirka uu sheegay in markii howlgalada ay Hay’adaha amniga dalka dar-dargeliyeen ay yaraadeen falalkii amnidarada ee Muqdisho ka dhici jiray.

Gelinsoortimes

gelinsoortimes@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More