Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo qabtay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Cosoble (Akhriso)

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Marwo Canab Axmed Ciise ayaa ka guddoontay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka mooshin xil ka qaadis ah oo ay ka keeneen Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Marwo Canab Ciise ayaa ka dhawaajisay in Guddoonka Baarlamaanka loo soo gudbiyay mooshinkan, iyadoo sheegtay inay saxiixeen illaa 53.

Mooshinkan xil ka qaadista ayaa lagu wadaa in la furo maalmaha soo socda, iyadoo dad badan ay isha ku hayaan xiisada siyaasadeed ee xilligan ka jirta Maamulka Hirshabeelle.

Illaa 12 Wasiir oo isugu jiray Wasiir, Wasiiru dowle iyo Wasiir kuxigeeno ayaa maanta iska casilay xilalkooda, kaddib markii ay ku eedeeyeen Madaxweyne Cosoble waxqabad la’aan.

Wasiirada ayaa ku biiray mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle, iyagoo qeyb ka ahaa Xildhibaanadii saxiixay.

Liiska illaa 70 Xildhibaan oo 53 ka mid ah ay saxiixeen Mooshinka ayaa loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle

Qoddobada lagu eedeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cosoble ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1- Inuu jebiyay qodobo dastuuri ah,

2- Ku takrifal awoodeed,

3- Xil gudasho la’aan,

4- iska-horimaad beelaha dega Hirshabeelle,

5- Shaqo xumo xukuumada ah

6- la tashi la’aan labada gole.

Mooshinkan ayaa ah kii labaad oo Xildhibaanada Hirshabeelle ka keenaan Madaxweyne Cosoble, lix bilood ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale mooshin uga keeneen, balse waa la xaliyay, iyadoo Xildhibaanada badankood markii la afgartay ku dhawaaqay inay ka laabteen mooshinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More