Jeneraal Fartaag “Farta anaa nalagu soo taagayaa, waxaase balan noo ah 21-da September”

Nairobi(GT)-Madaxweyne ku xigeenka kooxaad ee maamulka Jubba Cabdullaahi Fartaag oo boqolaal dad ah kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegey in 21-da bisha September la qaban doono shirweyne dib u heshiisiin kii ugu dambeeyey.

Shirka uu ka hadlayay oo isagu laftiisa gogol xaar u ahaa shirweynaha dib u heshiisiinta ayaa waxaa soo qabanqaabiyey rugta ganacsiga Jubbaland iyo waliba ururka dhalinyarada JYL, waxaana hadalo ka jeediyey xildhibaano gobolada Jubbooyinka u matala baarlamaanka Soomaaliya.

Fartaag wuxuu sheegey in shirweynaha ay beesha caalamka kasoo qeybgali doono, islamarkaasina lagu casuumi doono dadka maamulka kasoo horjeeda.

Ma uusan xusin kuwa ay yihiin dadka kasoo qeybgalaya, balse waxaa la fahamsanyahay in Col. Barre Hiiraale ama cid isaga matalaysa ay shirka kasoo qeybgasho.

Fartaag waxa uu dhanka kale sheekeeyey marxaladihii uu soo maray maamulka iyo hawlihii dib u heshiisiinta ee qabsoomey.

Xildhibaan Cabdirishiid Xidig oo isna hadlay ayaa sheegey in sanadka 2015 Soomaaliya laga doonayo in ay wada dhisnaadaan maamul goboleedyada oo dhan, Jubbaland-na ay hormuud u tahay maamuladaasi, isaga oo dadka ku booriyey in ay garab istaagaan maamulka oo ay dhinac iska dhigaan wixii dhaliilo ah.

Gelinsoortimes

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More