Kismaayo oo diyaar garoow loogu jiro soo dhaweynta Barre Hiiraale

Kismaayo (GT)-Wararka ay heleyso warbaahinta Gelinsooritmes.com ayaa sheegaya in Maamulka KMG Jubba , wafdiga wasiirada iyo wafuuda IGAD  ay ku howlan yihiin qaban-qaabo ay kusoo dhaweynayaan Col. Barre Hiiraale.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiirada ka socda DF iyo IGAD ay Axmed Madoobe ku cadaadinayaan inuu la soo baxo Siyaasad cusub oo ka duwan tii ka horkeentay Barre Hiiraale.

Wakiilada IGAD ee ku sugan Kismaayo ayaa la Tilmaamayaa inay Axmed Madoobe u ballan qaaden inay ka caawinayaan dhaqaalaha ku baxaayo Shirka dhawaan ka dhacaayo Kismaayo.

Wafdiga IGAD iyo Wasiirada DF ee Kismaayo ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa inay Kismaayo kullamo gaar ah ugu qabtaan Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale, iyadoona la filaayo in kulamadaasi ay dhacaan ka hor inta uusan shirka furmin.

Ujeedka kulanka dhex mari doono Labada Mas’uul ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid Albaabada loogu furaayo Heshiis dhexmara labada garab.

Magaalada Kismaayo waxaa shalay casar gaabkii soo gaaray Col Cabdi Cigaal iyo labo sarkaal oo kale si ay u sii dhameystiraan wadahadalada.

Dhanka kale, waxan si rasmi ah loo Ogeyn goorta Col. Barre Hiiraale uu gaari doono Kismaayo wallow ay iminka socto qaban-qaabada lagu soo dhaweynaayo.

Gelinsoortimes

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More