Maamulka Jubba oo qabanaya bisha September Wajiga Labaad Shirka Dib u Heshiisiinta Beelaha wada dega Jubbooyinka

Muqdisho(GT)-Si looga shaqeeyo nabadda iyo horumarka gobollada Jubbooyinta iyo Gedo ayaa waxaa maamulka Jubba uu shaaciyey in laqaban doono wajiga labaad shir weyne ay isku arkayaan dadka dega gobollada.

Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta maamulka KMG ah ee Jubba Cabdi Baaley Xuseen ayaa warbaahinta gudaha maanta u sheegay in maamulka uu ku howlan yahay qabashada shirka leysugu keenayo beelaha wada dega Jubbooyinka.

Waxuu sheegay guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta in qorshaha uu yahay bisha soo socota ee September inay qaban doonaan shir dib u heshiisiineed oo ay ka qeyb galayaan dhammaan beelaha wada dega Jubbooyinka, si looga tanaasulo dagaalladii hore u dhacay, loogana shaqeeyo nabadda.

Cabdi Baaley waxaa uu inta ku daray inay tagi doonaan dhammaan deegannada gobollada Jubbooyinka ayna la kulmi doonan dadka deegaanka si leysku cafiyo, nabadda iyo horumakana looga wada shaqeeyo.

Dhinaca kale guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta maamulka KMG ah ee Jubba Cabdi Baaley Xuseen waxaa kalo uu ka hadlay siminaarka ku saabsanaa dowlad wanaagga iyo dib u heshiisiinta, oo ay soo qaban qaabiyen urur goboleedka IGAD.

Tababarkan oo lugu qabtay magaalada Nairobi ayuu sheegay inuu yahay mid ay ka korar sadeen sidii ay u dar-dar galin lahaayeen isku keenida dadka dega gobollada.

Maamulka Jubba ayaa horay shaaca ugu qaaday inay si dhow ugu shaqeyn doonan sidii ay isagu imaan lahaayeen dadka dega gobollada uu maamulku ka taliyo,si looga wada shaqeeyo horu socodka deegaannada maamulka Jubba.

Gelinsooritmes.com

gelinsoortimes@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More