Machadka Al-Faaruuq ee Magaalada Gaalkacyo oo Sanad Dugsiyeed Cusub uu u bilowday (Sawirro)

machad1

Galkacyo (GT) Kadib fasixii Mudada Xagaaga ah ayaa Machadka Al-Faaruuq ee Daraasaatka Islaamka iyo Luqada Carabiga oo Hoostaga Raabidada Macaahida Sharciga ah ee Soomaaliyana kuna yaala Magaalada Gaalkacyo waxaa uu isbuucaan dib u bilaabay Hawlihii Waxbarasho ee Sanad Dugsiyeedka 2014-2015. Waxaana Dhamaan Ardaydii Fasalada kala duwan ee
Machadka ay haatan si toos ah u qaadanayaan Xiisadaha kala duwan ee
Isbuuca.
Furitaan Machadka ee Sanad Dugsiyeedkaan ayaa waxaa ka hadlay Maamulaha Machadka Sh. Cilmi Yusuf Axmed waxaana uu ardayda kusoo dhaweeyay Sanad Dugsiyeedkaan Bilowday isaga oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in ilaahay uu dib isugusoo celiyay kadib fasixii la galay.
Sh. Ahmed Dheeli oo kamid ah Culimada ugu caansan Gobolka Mudug oo isaga kasoo qayb galay Furitaanka Machadka ee Sanad Dugsiyeedka ayaa waxaa uu Ardayda usoo jeediyay Dardaarano kala duwan oo ku aadan Waxbarashada waxaana ugu Muhiim sanaa :-
1.In ay Taqwo layimaadaan ama Alle ka cabsi laga helo.
2.Inay ay aqoonta ku dadaalaan si ay Naftooda u anfacaan Bulshadoodana
wax u taraan.
3.Inay ku sifoobaan Tilmaamaha Ardayda Guulaysta oo ah (ku dadaalida
Daacada Alle , Dadaal iyo Han sare).
4.Inay yeeshaan Han sare oo ay ku fakaraan sidii ay Umada uga saari
lahaayeen Dhibaatada haysata.
5.Inay ka fogaadaan Mushkiladaha Dhalinyarada in badan oo kamid ah
haysata , oo ay asal u tahay Macaasidu.
Machadka Al-Faaruuq waxaa la aasaasay 2006 waxaana uu ka koobanyahay Heerarka Dugsiga Dhexe iyo Sare . waxaana lagu bartaa Shareecada Islaamka Manhajkiisuna waa Manhaj Carabi ah oo ay qaataan Macaahida hoos taga Jaamacadaha Sucuudiga ugu caansan sida Jaamacatu Imaam Sacuud iyo Jaamacatul Islaamiyaha. Macalimiinta ka hawlgalana Waa
heer Jaamacadeed Dhamaantood.
Machadka Sanad Dugsiyeedkaan waxaa lagusoo kordhiyay Qaybta Dadka waaweyn oo Xiliga Galabtii la dhigto , iyadoo Dugsiga Dhexana lagusoo daray Maadamada Culuumta si loosoo saaro Dhakhaatiir Qalbiga iyo Jirkabada Dadka ka daawaysa.
Machadka ayaa waxaa uu kaalin wayn kaga jiraan Dardar galinta Dacwada Salafiga ah ee Gobolka Mudug isaga oo soo saaray Ducaad aan tiradooda lasoo koobi karin oo Dacwada Xagga Alle ka faafiyada Daafaha Gobolka.
Waxaana Xusid mudan in Ardaydii kabaxday Qaar kamida ay haatan ka hawl galaan Machadka oo ay Macalimiin ka yihiin kadib markii ay Jaamacadaha Soo dhameeyeen.
Ardayda kabaxday Machadka oo ka kooban 7 lood ama Dufcadood ayaa waxaa
ay leeyihiin Urur ama Munadamo kulmiso oo ay u dhiseen Maamul kala danbayn leh si ay ugu fududaato inay si nidaamsan Dacwada uga qayb qaataan.

machad1 machad2 machad3 machad4 machad5 machad6

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More