Madaxwayne Gaas oo Dib ugu soo Laabtay magaalada Garoowe Siweyna loo soo dhaweeyay (Sawirro)

Muqdisho (GT) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo 9-8-2014-kii ka ambabaxay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland oo maalimihii lasoo dhaafay hawlo shaqo ku joogey magaalada Boosaaso ee xarunta goolka Barri ayaa Maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe.

Soo dhaweynta Madaxwaynaha ayaa waxaa siweyn uga qayb qaatay Wasiiro,Xildhibaano,Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland,Waxgarad,Saraakil Ciidan iyo qaar kamid ah Bulshada rayidka ah ee ku nool Magaalo Madaxda dawlada Puntland ee Garoowe.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Mudadii uu ku sugnaa Magaalada Boosaaso waxa uu kulamo la’ qaatay Safiirka Dalka Soomaliya u fadhiya dawlada Imaaradka carabta mudane. Mohamed Al-Othman iyo Masuuliyin ka socday Shirkada Dubai Port Wall (DP) , sidoo kale waxaa ku weheliyey kulankaas Ganacsato reer Dubai ah kuwaasi oo danaynaya inay maalgashi ka samaystaan Puntland.

Shirkadan Ganacsi ee Dubai Port Wall (DP)ayaa ah shirkad ka howlgasha 63-Wadan waxana ay si toos ah u maamushaa 54-Dekedood,imaanshahooda Puntland ayaa salka ku haysa sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayen Dekeda Wey n ee Boosaaso,waxana loo balan sanyhay markii ay dib u soo laabtaan Masuuliyiinta shirkadaasi in ay Hashiis dhamastiran la’ saxiixdaan Dowladda Puntland.

Dhinaca kalena waxa uu Madaxwaynuhu kulamo kala duwan la qaatay Maamulka Gobolka Bari,Maamulka degmada Boosaaso,Waxgarad,Ganacsato,Hay’addaha amaanka ee Gobolka iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Magaalada Boosaaso kulamadaasina waxa ay ku soo dhamaaden Guul .

Deeganka Qow oo katisarn Gobolka Bari ayuu madaxweyne Gaas ku tagay Booqasho rasmi ah waxana halkaasi uu kula kulmay Maamulka iyo Dadka deegaanka,dhawaana waxa halkaasi laga fulinaya Mahsruucyo Horumarineed oo Dowladu ugu talagashay Deegaankaasi.

GAS2 GAS3 GAS4 GAS5 GAS6 GAS7

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More