Madaxda Dowlada oo Muqdisho kula shiray Wasiirka Ganacsiga Denmark (Sawirro)

Gelinsooritmes –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Prof. Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul wasaaraha H.E. Dr. Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed ayaa manta si gaar gaar ah u kala qaabilay Caasimadda Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta H.E. Mogens Jensen oo booqasho ku yimid dalka.

Kulamadan oo ay ka qeybgaleen Wasiirada Arrimaha Dibadda,Amniga Qaranka, Arrimaha Gudaha,Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga, Wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo Xubno kale ayaa looga wada hadlay horumarinta ,xoojinta xiriirka labada dal , arrimaha ammaanka , danaha wadaagga ah iyo taageeridda hey’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulamadan markii ay soo idlaadeen , ayaa waxaa shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta H.E. Mogens Jensen.

Wasiir Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa sheegay in wafdiga dowladda Denmark ka socda ay ka wada hadleen horumarinta , dib u dhiska dalka , taageeridda hey’adaha dowladda iyo u gogol xaaridda shir lagu qaban doono bisha November magaalada Copenhagen.

Wasiirku waxa uu sheegay in kulanka uu ku dhamaaday natiijo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed , isagoo bogaadiyay xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Denmark.

Dhankiisa, Wasiir Mogens Jensen, ayaa sheegay in imaanshihiisa Muqdisho uu yahay tusaale cad oo la xiriira taageerada siyaasadeed ee dowladiisu u heyso dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu la dhacsan yahay isbadalada iyo horumarada dowladdu sameyeyso.

Morgens , waxa uu xusay in Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya uu kala tashaday dib u dhiska,horumarinta,fursado shaqo oo la abuuro, caawinaada bani’aadanimo iyo qodobo kale , isagoo ku sheegay in kulamada uu la yeeshay Madaxda dowladda mid mira-dhal ah.

Wafdigan oo ka kooban 8 xubnood , ayaa waxaa gelinkii hore ee maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad iyo agaasinka habmaamuuska Qaranka .

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More