MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO DALKA TURKIGA U AMBABAXAY

Muqdisho (GT)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku wajahan dalka Turkiga.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Garoonka Muqdisho waxaa kusii dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo Xildhibaano Baarlamaanka dalka ka tirsan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud socdaalkiisa waxaa ku wehliyay Wasiirka Arimaha Dibada Cabdi Raxmaan Ducaale Beylah iyo Wasiirkii hore ee amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ahna la taliyaha dhanka Siyaasada ee Madaxweynaha.

Ujeedada safarka Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii Dowladda Turkiga ay ka heleen casuumaad ku aadan ka qaybagalka caleemo saarka Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayib Erdogan.

Kahor inta uusan Muqdisho ka ambabixin Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa, waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka wadada xiriirisa Garoonka Muqdisho iyo Madaxtooyada dalka oo ciidamo aad u badan lasoo dhigay.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah Dowladaha sida weyn u taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guusha uu ku hantay Recep Tayib Erdogan Hogaanka dalka Turkiga ayaa waxa ay fursad u tahay dalka Soomaaliya, maadaama Turkiga xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Gelinsoortimes@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More