Madaxweyne C/weli Gaas Oo Si Deg Deg Ah Ku Gaaray Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa,waxaa maanta soo garay Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayey.

Madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gas ayaa saaka diyaarad khaas ah kasoo qaaday magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland,waxaana diyaradii sitay si toos ah u keentay magaaladda Boosaaso.

Xarunta Ciidanka Badda Dawladda Puntland ayaa Madaxweynuhu kula kulmay Safiirka dawladda Imaaratka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Cismaan,labada masuul aya si qoto dheer uga wadahadlay Iskaashiga labada dawladood iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas o Saxaafadda kula hadlay aqalka Madaxtooyada ayaa sheegay in Boosaaso u yimid sidii uu ugu kuurgeli laha shaqada dawladda iyo Xaaladda guud ee gobolka.

Sidoo kale,Madaxweyne Gaas aya intaas ku daray in mudada uu ku suganyahay magaaladda kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladda Boosaaso.

Mudane Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in  Safiirka dawladda Imaaratka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Cismaan ay kawada hadleen ballaarinta kaabayaasha dhaqalaha sida Dekedda weyn ee Boosaso.

Dhanka kale Madaxweynaha mar uu ka hadlay go’aanka ay Xukuumadiisu xiriirka ugu jartay Dawladda Federaalka Soomaaliya,waxa uu sheegay ineysan wax isbadel ah oo laga sameeyey arrimihii sababay in uu xumaado Xiriirkii labada dhinac.

Dr Cabdiweli Gaas ,Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa si cad u cadeeyey ineysan marnaba gorgortan ka geli doonin wax kasta oo wax u dhimaya midnimada Ummada reer Puntland.

Si kastaba Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Gaas ayaa marar badan horey u sheegay in Xukuumadiisu ku dadaali doonto sidii loo horumarin lahaa ilaha dhaqaale ee Puntland.

 

Gelinsoortimes

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More