Madaxweyne dalka Jabuuti oo la hadlay Soomaalida iyo Jabuutiyaanka Mareykanka (Sawirro)

Jimco, Ogoosto 08, 2014 (GT) Minneapolis ─ Xaflad lagu soo dhaweynayay madaxweynaha wadanka Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle ayaa xalay ka dhacday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaana ka soo qeyb galay kumanaan ka mid ah labada jaaliyadood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Gelle ayaa si qiiro leh ula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka wuxuuna kula dardaarmay inay muujiyaan wada jir iyo midnimo.

“Qurbo-joogta waa la xantaa, hase ahaatee maadaama ay maanta Soomaaliya ugu nasiib wanaagsan tahay waxaa la idinka rabaa inaad midnimo yeelataan, waayo qaran iyo qabiil meel ma wada galaan” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle.

“Shalay waxaan la sheekeysanayay madaxweynaha South Sudan, wuxuuna ii sheegay inay yihiin 65 qolo oo mid kasta afkiisa iyo diintiisa leeyahay taasina waxay kuu muujineysaa in Illaahey uu jecelyahay dadka Soomaaliyeed, waayo wuxuu ka dhigay dad hal qabiil ah oo hal af ku hadla” ayuu sii raaciyay Madaxweynuhu.

Wuxuu sheegay mudane Cismaaciil Cumar Gelle in dowladda iyo dadka Jabuuti aysan marnaba joojin doonin taageera ay la garab istaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed. “Na weydiista wixii aad u baahan tihiin” ayuu si qiiro leh u yiri madaxweynuhu

“Ciidankeenna waan kordhineynaa ilaa inta Alshabaab laga sifeynayo wadanka” ayuu Gelle ku tillaabsaday.

Mar uu la hadlayay Jaaliyadda Jabuuti ayuu yiri Madaxweyne Geelle “Taageeradii dadka Soomaaliyeed ay na siiyeen lama hilmaami karo, sidaa daraadeed la garab gala dadaalka ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed”

C/raxmaan Ciise Kaahin oo ka mid ah Jaaliyadda Jabuuti ayaa Hiiraan Online u sheegay in sababta uu madaxweyne Gelle uu Minneapolis u yimid ay tahay casuumaad uu ka helay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka, si ay uga mahadcelinayaan taageerada uu la garab istaagan yahay dalka Soomaaliya.

Xafladdan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa isna ka hadlay guddoomiyaha FAGAARAHA Sadiq Warfaa oo ka codsaday madaxweynaha Jabuuti inuu laba jibbaaro dadaalkiisa xal u helista mushkiladda geeska Africa.

Ugu dambeyn, Jaaliyadda Gobolka Hiiraan ayaa madaxweyne Gelle waxay guddoonsiiyeen abaal marin ay ugu magaca dareen “Hiil-Walaal”

Gelinsoortimes.com

Minneapolis

geele

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More