Madaxweyne Gaas oo Garowe dib ugu soo laabtay kana war bixiyay Safarkiisa(Sawiro)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi oo uu hogaaminayey safaro shaqana ugu maqnaa dalka Dibadiisa Gaar ahaan Dalka Ethopia ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha iyo Wafdigii uu Hogaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne Ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey,Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire,Golayaasha Dawladda Puntland,Saraakil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland iyo saraakiisha sare ee ciidamada Puntland.

Dadweyne aad u fara badan Watayna Calamada Puntland iyo Soomaaliya kuna labisna dharka Hiddaha iyo Dhaqanka ayaa iyaguna ku diyaarsanaa Garoonaka diyaaradaha ee Garowe, waxayna si wanagsan uga qayb qaateen soo dhoweynta Madaxweyne Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayey.

Soo dhaweyn kadib Madaxwaynaha iyo Masuuliyiinti la socday ayaa waxaa loo soo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dowaldda Puntland waxana halkaasi Warfidyeenka kula hadlay Madaxwayne Gaas,isagoona faah faahin kabixiyay Socdaalkii uu ugu maqnaa dalka Dibadiisa.

‘’Howsha aanu u tagnay Dalka Ethopia waxay la xiriirtay sii xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan dhanka Nabad galyada arimaha Bulshada,arimaha Ganacsiga oo muddo aanu kawada hadlayn oo ay ugu horayso in labada dal ganacsi furan yeeshan kastamiskii la fududeeyo ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in Safarki uu ku tagay dalka Ethopia uu ku soo dhamaaday Guul iyo is afgarad.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_7588 IMG_7595 IMG_7602 IMG_7605 IMG_7606 IMG_7610 IMG_7620 IMG_7623 IMG_7626 IMG_7633 IMG_7634 IMG_7637 IMG_7643 IMG_7644 IMG_7646 IMG_7649 IMG_7653 IMG_7654 IMG_7655 IMG_7674 IMG_7677 IMG_7685

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More