Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Congress Ka Tirsan Aqalka Mareykanka

Muqdisho (GT)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Frank Lobionda oo katirsan kongareska mareykanka gaar ahaana xubin ka ah gudiyada qaabilsan arimaha ciidamada iyo wardoonka Mareykanka.

Kulanka madaxweynaha iyo Sarkaalka Mareynkanka ay wada qaateen ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya iyo qaar ka mid taliyaasha Ciidamada Soomaaliya,waxaana shirka diirada lagu saaray xaalada amniga ee dalka Soomaaliya iyo taageerada Mareynkanka uu siiyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa Dowlada Mareynkanka uga mahad celiyay sida wanaagsan u taagereyso Xukuumada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in u jeedada mudane Frank uu u yimid Soomaaliya ay tahay sidii uu u ogaan lahaa xaalada dhabta ah oo hadda ka jirta Soomaaliya gaar ahaan amaanka.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray Mr Franka Lobionda oo ka tirsan Kongareska Mareykanka loo sharaxay xaaladda Soomaaliya iyadoo Madaxweyanaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay in taageerada dhanka ciidamada oo dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya uu ugu mahadceliyay.
Dowlada Mareynkanka ayaa ka mid ah Dowladaha inta badan caawiya Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More