Magaalada Garoowe oo lugu qabtay xuska sanad guuradii koowaad ee farutankii xafiiska UNSOM iyo Nickolos Kay oo ka qeyb-galay (Sawirro)

Garoowe [GT] Magaalada Garoowe ee caasumada dowladda Puntland ayaa maanta lugu qabtay munaasabad lugu xusay waqtigii la furay xafiiska gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Xafiiskan oo lugu magacaabo UNSOM waxuu shaqeynaya muddo hal sanno ah,waxaana Garoowe ay nasib u yeelatay in lugu qabto xuskii ugu horreeyey.

Madaxda sare ee dowladda Puntland oo u ugu horreeyo madaxweyne,Gaas ayaa iyagu munaasabadan oo ka dhacdau xarunta Un-ka ka qeyb-galay,waxaana ku waheliyey Culimo Udiin,Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse,Isimo iyo marti sharaf kale.

Madaxa xafiiska UNSOM danjire,Nicholos Kay oo xog-hayaha QM u qaabilsa Soomaaliya iyo mas’uuliyin kale oo ka socotay Qaramada Midoobay ayaa iyaguna munaasabadda goob-joog u ahaa.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad ka jeediyay Xaflada ayaa u hambalyeeyay Maamulka iyo Shaqaalaha Xafiiska UNSOM guud ahaan Soomaliya,isagoona kula dar daarmay in ay laba jibaaran Howsha ay uhayaan shacabka Soomaliyeed Gaar ahaan Puntland.

‘’Puntland waxa ay u taagan tahay Mar walba Midnimada Soomaliya,Wada jirka Soomaliya,Puntland waxay mar walba rabta in Soomaliya ay la soo laabato Qaranimadii Somaliya jiritaankeedi iyo dowladnimadeedi si taamana ay u hantido ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Nicholos Key waxa uu noo sheegay in uu rabo in uu dhiso Buundo u dhaxaysa Dowladda Puntland iyo Fadaralka,waxaan leenahay anagu diyaar baanu u nahay in la dhiso buundadaasi laakin cid waxaa jirta iyadu dube u haysata in buundadaasi dumiso waxa laraba marka in iyaga aad u sheegto in Puntland ogolatay in buundadasi la dhise war idinku ka daaya Dubaha ku dheh ’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Sidookale tilmaamay in Shaqaalaha iyo Maamulka Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaliya UNSOM ee ka howlgala Puntland ay dowalada Puntland la leeyihiin Xiriir wanagsan waxana uu ku bogaadiyay in ay wadaan dadaal kooda .

Xafiiska UNSOM waxa la asaasay 3-dii June 2013,waxana asaasay Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay,waana xafiis loogu talagalay in uu ka howlgalo gudaha dalka soomaliya,isagoona ka taageeraya Soomaliya Nabada iyo Dowlada dhisida,horumarinta Hanaanka Fadaralka,dib u eegista Dastuurka iyo in uu door muuqda ka qaato Doorashooyinka 2016-ka ka dhacaya Somaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More