Magaca Maxamed oo noqday magaca ugu badan ee loo bixiyo wiilasha dalka Norway

Magaca Mohamed ayaa noqday magaca ugu badan ee ay dadka ku nool caasimada dalka Norway Oslo ay haatan carruurtooda u bixinayaa.

Ururka la magac baxay Jorgen Ouren ayaa shaaciyay in inkabadan 4,800 oo rag waaweyn iyo wiilalba la yiraahdo Maxamed iyadoo magacana uu ka sare maray magacyadii hore caanka ugu ahaa dalka Norway sida Jan iyo Per.

Waa markii ugu horeysay ee magaca Mohamed uu noqdo magaca loogu jecel yahay dalka Norway inkastoo qoraalkiisa iyo ku dhowaaqidiisaba uu ka kala duwan yahay.

Ma aha oo kaliya dalka Norway in magaca Mohamed uu yahay kan loogu jecel yahay balse dalka UK ayaa tirakoob la sameeyay waxa uu noqday magaca Maxamed kan ugu caansan ee waalidiinta England iyo Wales ay sanadkii 2013kii wiilashooda u bixiyaan.

Dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Norway ayaa tiradoodu waxa ay gaarayaan 150,000 iyadoo guud ahaan tirada dadka ku nool dalkaasna ay yihiin 4.5 million tirakoob la sameeyay 2012.

Dadka Islaamka ah ee ku nool dalka Norway ayaa badankood waxa ay ka yimaadeen dalalka Pakistani, Somali, Iraqi iyo Morocco.

Balse dalka Norway ayaa waxaa ka jira ururka ugu weyn ee ee ka soo horjeeda Islaamka kaasoo ay xubno ka yihiin dad gaaraya saddex kun oo ruux.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More