Maqaal:-Gumaysigii Dahsonaa Ee Qaarada Africa.W/Q:-Sicid Mahad Maxamed.

Tan iyo marki Wadamada Qarada Afriga ay iska qadeen Gumaysigi wadamada Reer Galbeeb oo ku hayay Fara kulul isla markana u gaysanayay falal aan lo dulqaadan karin, ayaa waxaad modaa in wali aan ku jirno
gumaysigaas.

Wadan walba o ka tirsan Qarada Africa oo lagu hayay Gumaysi uuna
gumaysanaayay mid kamida gumaystayaashii adunka Gumaysan jira Sida
Franceska,Engliska,Talyaniga iyo waliba wadamadii kale oo donayay inay
gumatstaan wadamada qarada dhamantoon waxa lo diiday inay ku sii
ladaan qarada Africa.

kadib markaan iska qadnay Heryadii Gumaystaha ayaa wadamadii xiligaa
rabay inay namaamushan waxay nooga tageen saameen iyo raad aan
waligeed naga hareen.

Dhamaan wadamada Africa ee isku dhaw dhaw ayay waxay uu u sameyay
xuduud iyo kala Qaybsanaan kala qaybisa wadamada Africa si ayna
waligeeds Africa aysan u heshiin taasna waa ay dhacday,Khilaaf kasta
oo soo kala dhexgala qaar kamida madaxda afica iyo siyaasada gudaha ee
africa mar walba waxaa so dhex gala wadmada shisheeya ama wadamada
reer Galbeeddka kuwaas o doonaya inay dhex dhexaadiyaan madaxdaas.
Talaaba kasta o ay qadaan wadamada Shisheeya waxa ay faa,ido u tahay
wadamadaas balse Qaarada Africa waxa u tahay Faa,ido daro balse ma
ogsonada dadka ku nool Qaarada Africa.

Dhamaan wadamada ku yaala Qaarada Africa badankod waxaa ka socda
Dagalo sokoyeeya kuwaas o ay ka dambeyaan Dad danestayaal ah oo aan
doonayn horumarka iyo Faa,idada Qaarada Africa.

Siyaasadena dibada iyo tan dalkaba waxaa faraha kula jira Wadama
shisheeya waxayna ogyihiin sirta dalka, dadkeena iyo waliba tan
xukumadaha Wadamada Qaarada Africa, taasna waxay tusaale u tahay
Gumaytsiga Daahsoon oo ay Qaaradeena africa ay ku jirto.

waa Dhab waana hubaal in hadii aan wadamada shisheya aan siyaasadeena
ka saarno oo ayna sirteena aysan ogayn inaan Horumar aan gaarayno aana
yelanayno sidii aan aduunka ka ahayn, sanadihii hore Adunkuna waa naga
Dambaynaya waana naqadarin jiray.

Qaarada Africa waxay ahaan jirtay Qaarad Aduunka laga Baqo lagana
Qadariro, sanadihii dambe waxaa ay noqotay Qaarad aan la qadarin oo
aan la xushmayn, khayradka ku jirana layska gurto aan cidna lawaydin
walaw madaxda Wadamada ku yaala Qarada Africa haba ahaadan iyagoo ah
kuwii xakamayn lahaa talabadaas..

Qof walba oo kamida Dadka ku nool Qarada Madaw waxay ugu yeereen
Wadamada shisheeya, markuu joogo dalkiisa ama Qaaradiisa waxa uu
leyahay Haybad iyo sharaf balse waxaa la rabaa in la so celiyo haybadii iyo Xushmadii Qaaradeena.

Qamuumyada Qaradaydaa Qalbigayga gubaysoo Qolo Qolo ku taaga iyo Qabiilka Dhexdaa Qeerkeen inaga rebay Qaaradaha aduunkana Qabkeenay ku qoslaan Qal qal intii dhexdena ka aloosanyahay Qaradeenu way qalocsanaan waligeed Qab qablaha Qorayga nala doonaya baan iska qabano
Qal qalocana baan Qaarada kadayno Qeyrkeena aan ka Qabano Qalalaasaha uu qarada la doonaayo

Qoomkii naga horeeyay ee Qaarada u so halgamay Qoolkoodu waa tu ahaa Qaarada waa inay kor u qaadnaa Qarnigan aan joogno Qaaradeenu halkay ku sugantahaya?

Hadaba hadaan nahay dadka ku nool Qarada Africa Sidee ayaan isaga
qaadi karnaa Gumaysiga Daahson ee ina hareeyay Horumarkeenii iyo
hanankeeni Qaarada Africa inaga hakiyay? Maxaase aan isaga qaadi
la.nahay Gumaysigaas?.

Waa Meel aan is dhignay waxaana nahaysata Maah maahdi ahayd “” Lax
walba shilalkay is dhigtaa lagu Qawracaa “”” anaguna anagaa halkaas is
dhignay.

Sidoo kale waxaa nahaysata hadalkii ahaa “” Wanka madaxa ii qabo adna
mindida ii mari ana Dhiigisa aan Fuuqsado “”

Qarada Africa waa qaarad ilaahay uu ugu manaystay Qaard aad ubadan
isla markaan aan dadkeedu uusan ka faa,idaysan taasna ay sababtay in
Wadamada Shisheeya ama kuwa reer Galbedka ay ugu soo duuleen.

Hadaba Qarada Africa Cidna uma maqna ceelna uma Qodna hadan dad reer
Africa aan wadamada Reer galbeedka aysan iska celin Gumaysigan
daahsona aysan iska Qadin waligod saanay wadamada kale uga
hoosaynayaa,

Halyay yadi somaray Africa oo u soo halgamay Dhigana u dadiyay
Xornimada Qaarada haday xiligan nolaan lahaayeen waxay ka murugon
lahaayeen Xaalada hada ay qaaradu ku sugan tahay waxay dhihi lahaayeen
hadalah maxaan gumaystaha ula dagalamaynay haday qaaradu saan noqon
tonto,

Aan raacno aana ku dhaqaaqno wadadii kuwii naga horeeyay aan iska
dhicino Gumaystahan dadkeenii kala qaybiyay dhexdeenana dagaalka ka
dhex abuuray wadamadeenana isku diray.

W/Q:-Siciid Mahad Maxamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More