Maqaal: Xornimo doonka Somaliland, Xusulduubka khaatumo, Xanib-naanta Puntland iyo Xarigjiidka muqdisho. W/Q Xikam Maxamed

Afeef: Waxaan rabaa inaan hoosta ka xarriiqo, in ujeeddada qormadan yari aysan ahyn in aan si gaar ah u duro ama u taageero maamulada halakan ku taxan midkood, waxaanse samayndoonaa is barbardhig anoo maanka ku haya xaaladihii ugu danbeeyey. Arimaha ka dhexeeya darafyadan, waa kuwo iyaga u khaas ah waxayna ahaanayaan halkoodii – iyagaana ka hadli doona markii ay munaasib ula muuqato.

Somaliland

British Somaliland oo asal ahaan loogu yeero waqooyiga Soomaaliya, waxaa gacanta ku hayey intiisa badan maamulka isla magicii qaatay, kaasoo lagu dhawaaqay waxyar uun kadib markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya dhacday. Madaxdii Maamulka Somaliland waxay isla markii la aasaasayba ku dhawaaqeen in ay waqooyiga Soomaaliya kajareen dhulka Soomaalida intiisa kale isla markaana ay aqoonsi ka raadsandoonaan aduun weynaha. Somaliland waxay ku taagneyd hilinkii maalintaas lajeexay si ay ugaarto himilooyinka ay ku tubanasey isla markaana waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay maamulkooda ay ubaahinlahaayeen dhul ahaan iyo diplamaasiyad ahaanba.

Maamulka Somaliland wuxuu dhegaha ka furaystay indhahana xanjo kamarsaday baaqyadii iyo codsiyadii uga imaanayey guud ahaan qoomiyadda soomalida ee degan bariga-Afrika iyo waliba umado kale oo ku nool daafaha caalamka. Baaqyadaas nuxurkoodu wuxuu ahaa in aysan siyaasiyiinta somaliland kala jarin umadda soomaaliyeed islamarkaana ay ka tanaasulaan fikradaha kala qoqobka iyo kala qaybinta xambaarsan.

Maamulka Somaliland waxaa loogu baaqay in ay dadka ay wada dhasheen ee soomaalida ah, kala xaajoodaan dhibaatooyinka ay gocanayaan si looga shaafiyo taasoo mustaqbalka lafilayey in ay ka mira fiicnaato kala guurka.
Somaliland dheg jalaq uma siin dhamaan baaqyadii shisheeye iyo sokeeye labadaba uga imaanayey. Taas bedelkeedana waxay laba jibbaartey guclihii iyo garmaamadii aqoonsi doonka iyo in ay isku fidiso deegaano cusub oo aan gacanta ugujirin markii maamulka la dhisayey.

Khaatumo

Wallow mar labaad la dardargaliyey oo dhidibada loo taagey doorashooyin cusubna dhawaan lagu qabtay deegaanka Saaxdheer, markii ugu horeysey Khaatumo waxay rasmiyan soo shaacbaxday laguna dhawaaqay horaantii sanadkii 2012-kii. Deegaanada khaatumo lagaga dhawaaqay waxay joqoraafiyan dhacaan soohdimihii u dhexeeyey isticmaaradii talyaaniga iyo ingiriiska kuwaasoo kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta.

Waa deegaan ahmiyad gaara leh marka laga eego inuu leeyahay taariikh facweyn, khayraad dabiiciya oo farabadan sida shidaalka iyo inuu yahay xudunta isu haysa labadii mustacmaradood ee British Somaliland iyo Italian Somaliland.

Deegaanadaasi waxay muhiim u yihiin kala qaybinta ama isku haynta dhulkii Jamhuuriyaddii Soomaalia laysku oranjirey.

Dadka ku nool deegaanadaas waxaa muddo aad u dheer hal hayskooda ahaa wadanka yaan lakala dhantaalin umaddana hala isku wado. Waxayna juhdi farabadan oo naf , maal iyo maskaxba isugujira ku bixiyeen sidii midnimadda soomaaliya loo joogteynlahaa loogana hortagilahaa fikradaha kala qoqobka ku salaysan. Umadda ku nool degaanada khaatumo lagaga dhawaaqay, waxay lamidnoqdeen shaqsi gacanta ku haya Dhimbil dab ah, maxaa yeelay baryihii dambe qofkii ka hadla midnimada soomaalida wuxuu noqday qof hadalkiisa ay ka salalaan quwado kala duwani islamarkaana shaki badan lagaliyo.

Sidaan mar hore xusay, maamulka Somaliland oo kajira qaybo waqooyiga kamid ah, wuxuu marwalba ku taamaa madax banaani iyo citiraaf, Waxaase xusid mudan marka laga hadlayo midnimada, in Muqdisho aysan lahayn mawqif cad iyo maamul suuban toona haddii laga reebo, “ qawda maqashii waxna haw qaban – ta” idaacadaha iyo taleefishinada lasii mariyo… Dadka degan deegaanada kala qaybiya labadii maxmiyadood waxay hayaan shaqadii dawlada dhexe taasoo ah ilaalinta midnimada umadda waxayna ku qabaan dibindaabyooyin aad u farabadan iyo darxumo saamayn weyn kuyeelatay dhulkooda, waxaanse jirin wax ladhaafsankaro midnimo iyo qaranimo.

Puntland

Marka laga hadlo puntland waxaa maskaxda dadka kusoo dhacaya khaatumo, marka khaatumo laga hadlana waxaa kugusoo maaxanaya magaca puntland. Sababta labadan magac ay isugu maranyihiin ayna u noqdeen kuwo guud ahaan muujinaya hal deegaan waxaa weeye in dadka deegaanku ay yihiin kuwo siyaabo badan wax uga dhexeeyaan haday ahaanlahayd dhanka wada lahaanshaha iyo aasaaskii maamulka Puntland iyo haday tahay dhanka isku xidhnaanta iyo wax qaybsiga.

Marka laga hadlayo deegaanadan, waxaa maamulka Puntland khaasatan labadii maamul ee ka horeeyey xukuumadda hadda jirta ka mahmahdey laba arimood oo aasaas u ahaa Puntlant.

Midda koobaad puntland waxay ku doodijirtey in ay utaagantahay ilaalinta midnimadii Soomaaliya, hase yeeshee waxaa maalin cad fareheeda lagasaaray islamarkaana aysan dib usoo milicsan deegaan ballaadhan oo katirsanaa puntland kaasoo halis weyn galinkarey wadajirka soomaalia.

Marka labaad, puntland waxaa fareheeda kabaxay, dhul baaxadiisu aad u weyntahay isla markaana khatar u horseedi kara midnimada deegaanadii puntland udubka loodhigay 1998-kii. Maqnaanshaha deegaanadaasi waxay puntland u saamaynkaraan siyaabo kaladuwan; waxay sitoos ah u saamaynkaran maqaamka iyo awoodda puntland ay kuleedahay siyaasadda guud ee wadanka iyo saamaynta ay puntland ku leedahay deegaanada ay kutaalo iyo gobolkaba.

Guud ahaan shacabka iyo masuuliyiinta puntland waxaa laga dheehankaraa doonitaan ku wajahan in arimahaas wax laga qabto dadkii iyo deegaanadii reer puntland na dib boorka looga jafo loona celiyo midnimadii jirtey barisamaadkii. Sikastaba, dhankaas wali puntland talaabooyin cadcad uma qaadin– islamarkaana waxaad moodaa in ay meesha ku lugleeyihiin awoodo ka madax banaan dhamaan inta aan halkan ku xusay. Dadkuse waxay is weydiinkaraan meesha ay ka imaankaraan albiitarayaasha Somaliland ruqsadda u siiyey in ay say rabto u ciyaarto islamarkaana Puntland kaarkii cagaarka ahaa farta kasaaray.

Muqdisho

Muqdisho oo ahayd magaalo madaxdii dalka islamarkaana wali maqaamkaa xambaarsan, waxaad moodaa in ay u dhaqmaso sida magaalooyinkii yaryaraa ee dadku u kala carareen maalintii iyada qabtu haleehsay. Marmarka qaarkood waxaadba is oranasaa magaalooyinka kalaa ka masuulsan marka aad eegto habdhaqanaka caasimada.

Waxa aan ka hadlayaa guryaha iyo goofka xamar kutaalo midna maaha dadka iyo deegaanka guudna maaha waxaanse ujedaa habdhaqankii ka socdey magaalada ilaa maantana aan waxbadani iska bedelin.

Muqdisho waxaa laga filayey in ay noqoto tiirdhexaadka aan jabin ee midnimada, dibuheshiisiinta, uruurinta iyo isukeenka umadda soomaaliyeed iyo magaalo wada qaadikarta soomaalida oo dhan.

Meeshii roobka laga sugayey hadii ciiryaamo katimaado sow calaamo aduun maaha? Intii muddo ahyd muqdisho dhamaan filitaanadaas way lakuftay kabasiidarane, Maamulka hadda ka jira caasimadda waxaa lagu xasuusandoonaa siduu indhaha uga laabtay isukeenida iyo ilaalinta midnimada somalida. Waxaa lagu xasuusandoonaa sida uu ugu fashilmay inuu laxiriiro maamulladii diyaarka u ahaa in ay dawladda dhexe lashaqeeyaan sida Puntlant.

Waxaa lagu hiifidoonaa laficiltanka ay kulajirto maamullada gobollada halkii laga filayey in ay hormuud lagu daydo noqoto. W.towfiiq

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More