Midowga Afrika oo hakiyey ciidamo lugu waday in lugu kordhiyo kuwa AMISOM ee Soomaaliya

 

Muqdisho (GT) Ciidammo cusub oo qorshuhu ahaa in lugu biiriyo kuwa xilligan howlgallada nabad ilaalinta ka wada Soomaaliya ayaa la joojiyey,kaddib markii la sheegay in laga cabsi qabo cudurka dilaaga ah ee Ebola inuu faafo.

Magaalada Muqdisho waxaa shir jaraa’id oo ay arrimahan ugu hadlaysay ku qabatay ku-simaha wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Ms wanyota waxaana ay shaacisay in la hakiyey keenista ciidammo hor leh oo ka yimaada waddammada kuyaalla gobolka Galbeed ee qaaradda Afrika ee ka ag-dhow meelaha ay ka jirto khatarta cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Siihayaha wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Ms wanyota waxaa ay soo hadal qaaday ciidammada dalalka ka imaanaya in lugu keeni karo oo kaliya marka hay’adda qarammada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO ay xaqiijiso in xal loo helay cudurka Ebola.

Haweenayda ayaa sidoo kale saxaafadda u sheegtay in Midowga Afrika uu taageerayo natiijada shirkii dhawaan lagu qabtay magaalada Washington ee carriga Maraykanka, kaas oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha waddammada Afrika iyo Maraykanka.

Ugu danbeyn,Ms wanyota waxaa ay sheegtay inay taageerayan Midowga Afrika arrimaha bani’aadannimada, nabadgalyada iyo horumarka ee Soomaaliya iyo Soomaalida, waxayna ugu baaqday dadweynaha Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dowladdooda iyo ururka Midowga Afrika.

Joojinta ciidanka lugu waday in lugu kordhiyo kuwa Soomaaliya howlaha nabad sugidda u jooga ayaa sabab u ah in qaar ka tirsan waddammada ay Soomaaliya ka joogaan ciidammada AMISOM inuu saameeyey cudurka dilaaga ah ee Ebola, kaas oo illaa iyo hadda aan loo helin dawo iyo tallaal toona.

Gelinsoortimes

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More