Munaasabad Lagu So Dhoweynayay Aqoonsiga Degmada Saaxo iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland Oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Minneapolis(sawirro)

Minnepaolis (GT)-Munaasabad lagusoo dhaweynayay aqoonsiga degmada Saaxo ee gobolka Mudug oo dhawaan ay meel mariyeen golaha wasiirada ee dowladda Puntland ayaa xalay lagu qabtay magaalada  Minneapolis ee gobolka Minneosta.

Waxaa munaasabadaan ka qeyb galay odayaasha, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee ka soo jeeda degmada Saaxo iyo Jaaliyada Puntland ee gobolka Minnesota.

Waxaa kahadlay munaasabada suldaan Abuukar Jaamac Gaardi isagoo aa uga mahad celiyay madaxweynaha dowlada Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas aqoonsiga uu siiyay degmada Saaxo. Waxuu suldaan Abuukar sheegay mowqifkii ay qaateen dowlad Goboleedka Puntland inay ka turjumayso cadaalada iyo sinaanta iyo weliba baahida dadka degmada Saaxo uqabaan in laga dhigo degmo si ay uhesho adeegyadii bulshada laga maarmaanka u ahaa sida, waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha.

Waxgaradkii ka hadlay xafalada Waxay madaxweynaha iyo golahiisa xukuumada ugu baaqeen inay soo dhameystiraan waxyaabihii ay talo galeen degmada Saaxo si ula tartanto degmooyinka Puntland ee ka soo horeeyey.

Waxaa kaloo xaflada lagu soo dhoweeyay wasiirka waxbarashada Puntland Mudane Cali Xaaji Jaamac oo maalmahaan booqasho ku marayay dalka Mareykanka. Jaaliyada Puntland ee gobolka Minnesota waxey muujiyeen taageerada iyo soo dhoweynta ay u hayaan in Madaxeyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu magaalada Saaxo u dalacsiiyo Degmo buuxdo.

SAXO16

Masuuliyiinta iyo waxgaradka Jaaliyada Puntland ee gobolka Minnesota ayaa wasiirka ugu xogwaramay xaalada jaaliyada iyo xiriirka dalka, waxeyna wasiirka kusoo dhoweeyeen gacmo furan.

Mudane Cali Xaaji oo khudbad dheer u jeediyey jaaliyada ayaa ugu xogwaramay waxqabadka xukuumada cusub iyo halka ay tiigsaneyso. Wasiirka waxuu ku dheeraaday wasaaradiisa waxbarasha oo uu xog dheer ka siiyey jaaliyada mudadii uu xilka hayay. Sidoo kalan Mudane Cali Xaaji waxuu ka waramay xariirka Putnland kaga dhaxeeyo dowlada Federaalka ee magaalada Muqdisho.

Gelinsoortimes

Minneapolis

SAXO16 SAXO15 SAXO13 SAXO12 SAXO11 SAXO10 SAXO9 SAXO8 SAXO7 SAXO6 SAXO5 SAXO4 SAXO3 SAXO1 SAAXO14 SAAXO2

2 Responses to Munaasabad Lagu So Dhoweynayay Aqoonsiga Degmada Saaxo iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland Oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Minneapolis(sawirro)

  • Aad baan ugu faraxsanahay inay Gelinsoortimes soo bandhigtay xafladii aad u quruxda badnayd ee ka dhacday Ramada Hotel ee Minneapolis oo aan kusoo dhwaynay Degamadeena cusub ee Saaxo iyo Wasirka waxbarashada ee Puntland Cali xaaji Warsame. Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii xafladaan soo abaabulay ee waqtiga galiyay marka aad bay ii farax galisay inaan ku arko website ka u adeega bulshada kasoo jeeda saaxo ee gelinsoortimes. waxaan mahad u celinayaa Tafiiftiraha website ka Shuurye Ganeey salaad oo runtii u taagan inuu hor umariyo website gelinsoortimes.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More