Musalsallooyinka iyo Saameynta ay Qoyska ku leeyihiin-Qeybta Kowaad

Warbaahinta Casriga ayaan shaki ku jirrin inay saameyn ku yeelatay nolosha iyo asluubka Aadanaha hab wanaag iyo xumaan intaba, Waa Qormo looga hadlayo Musalsalladda iyo saamaynta ay ku leeyihiin Qoyska oo ay diyaarisay Nasra Abid Osman “Nasra Bakaal”.

Taleefishinka ayaa ugu badan marka loo eego Warbaahinnada kale sida Radiowga, Joornaalka, IWM goobaha ay Soomaalida kala socdaan Musalsalladda, waxaanaTaleefishanka oo wata maqal iyo muqaal kana mid ah warbaahinta casriga laga hirgaliyey  Soomaaliya markii ugu horeysay 21 Maarso sanadkii 1983-dii xilligaas oo ay dalka ka talineysay Dowladdii Kacaanka.

Tiknoolajiyadda casriga ee caalamka iyo awoodda maamul Dowladeed ee daciifka ah ayaa sahashay 15kii sano ee ugu dambeysay hanaqaadka tiro badan oo Warbaahinno ah oo uu telefishunku qeyb ka yahay, taa waxaa dheer telefishannada kale ee waddamada kale  ku yaalla  ee laga daawato Soomaaliya.

Telefishannada Soomaalida qaar iyo kuwa kale oo ku yaalla  dalalka kale ayaa barnaamijyada ay baahiyaan waxaa kamid ah Musalsallo ka turjumaya DAGAAL, JACEYL, SIYAASAD, DIIN, DHAQAN iyo kuwa kale oo badan.

Musalasallada ugu badan ee Soomaaliya laga daawado ayaa ugu badan kuwa waddamada Turkga, Hindiya, Meksiko, Ameerika iyo Kuuriya, oo dhamaantoodna ku turjuman afka hooyo iyo afaf kale oo qalaad, haba ugu badnaadaan luqadaha Ingiriisiga, Carabiga iyo Hindiga.

Musalsalsalladii ugu saameynta iyo daawashada badnaa Soomaaliya, Haweenka iyo Carruurtana sanadahaan dambe waxaa kamid ah;

  • Maariya Kalaara
  • Maariya Juuy
  • Cishqi Mamnuuc
  • Nuurra
  • Caasi
  • Barbara Santaana
  • Al-wacdi
  • Sanadihii lumay (sanawaatu diyaac)
  • Fursah Thaaniyah
  • Intisaarul Xubbi
  • Malikah Jaansii

Musalsalladaas oo hela soo saaris aad ah looga baaraan dagay ayaa saameyn ku yeeshay habka horumar iyo nololeed qoyska oo unugyadiisa ugu muhiimsan ay ka mid yihiin haweenka iyo carruurta.

Waxaana u kala qaadaynaa sidan:-

  1. Saameynta Caruurta ka yar 10 jirka illaa heer Qaangaarid
  2. Saameynta Haweenka

Saameynta Carruurta ka yar 10 jirka illaa heer Qaangaarid

Carruurta ka yar da’daas ama la’eg ayaa aad ugu saamooba marka ay daawadaan musalsalladan, kagana sheekeeya goobaha ay tagaan, xarumaha iskuullada, gaar ahaan fasallada ayay isku weydaarsadaan wixii ay xalay ku arkeen musalsalka intii ay duruusta ku mashquuli lahaayeen, kaba daran carruurta qaarkood waxay sameeyaan iyagoo waddooyinka ku sugan in ay laba koox isku safaan matalaanna Jilayaashii ay shaashadda ka fiirsadeen ee dagaalka matalayey.

Waxaa ugu darneyd arrinkaasi taleefishannada qaar ka socon jiray filim looga hadlayay Gumeysigii Ingiriiska ee dalka Hindiya kaasi oo magaciisu ahaa (Malikah Jaansii).

Dhiirragalinta ay helaan carruurtaas ayaa ah marka ay xubin muhiim oo qoyska ka mid ah sida Aabbaha iyo Hooyada ay dhagaha u raariciyaan Ilmihii oo ka sheekeenaya qaabkii ay ahayd xalay qeybtii musalasalkaas, taasi oo waalidiinta qaarkii ay muuso iyo qosol isku daraan, iyagoo kaliya markaas fiiriya habka cunuggooda uu u sharxayo una xifidiyay xalqadii xalay la daawaday, halkii ay ku koontorooli lahaayeen duruustii uu Dugsiiga ka soo qaatay.

La soco Qeybta Labaad Qormada

Nasra Abid Osman “Nasra Bakaal”
nasrabakaal@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More