Nabadoon Xaad Oo Afka Furtay Kana Soo Horjeestay Hub Ka Dhigista Muqdisho Kuna Sheegay Inay Tahay Mid Qaldan

Muqdisho [GT] Waxgaradka Muqdisho qaarkood ayaa ka hadlay howl-galka hubka looga dhigayo siyaasiyiinta hubaysan ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in howl-galkaas uu yahay mid lagu degdegay oo dano-gaar ah lagu leeyahay.

Wuxuu sheegay in ay howsha wataan qaar ka tirsan madaxda dowladda Soomaaliya isla markaasna ay shaqsiyaad ku beegsanayaan, taas oo uu ku sifeeyey mid gardaro ah.

“Markan ka hadlo arrinta Muqdisho ka tagan waxaan u arka inay tahay mid qaldan, wax la aqbali karo inay tahay u maleyn maayo. Dalka oo dhan ayaa hub ka dhigis u baahan, balse waxaa jirta dhawr tallaabo oo ka horreysa oo ay ka mid yihiin; in dadka is aamino, dowladda lafteeda la aamino,” ayuu yiri Xaad oo la hadlay VOA.

Nabadoon Xaad ayaa ku baaqay in qorshahaas laga noqdo, mar hadii aan si rasmi ah dadka hubka looga wada dhigayn, waa sida uu hadalka u yiri eh.

“Waxaan qabaa in hub ka dhigistu ay cadaalad u dhacdo oo dalkoo dhan ay ka hir-gasho, waxaa is leenahay barnaamijkan armay u eg-tahay farsamo kale oo qaloocan, haddii ay tahayna wax badan ayay fashilin kartaa,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli amagaalada caasimada ah ee Muqdisho dhowrkii maalmood ee ina dhaafay howl-gal balaaran oo ay waddey dowladdu, kaas oo hubka lagaga soo saarayo guryaha ku yaala caasimada ee la tuhunsan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More