Puntland oo laga Bilaabayo la Dagaalanka Hubka Sharci Darrada.

Puntland Calan

Wasiirka amniga Puntland,Xasan Cismaan Aloore ayaa sheegay inay wasaaraddisu waddo siyaasad lugu doonayo in hub ka dhigis laga dhaqan galiyo deegaannada Puntland.

Aloore waxuu sheegay qorsha hub ka dhigista inay ka hormarinayaan la tashi ay la sameynayan bulshada qeybaheeda,waxaana uu tilmaamay inay kala xaajoon doonan sida ugu dhow ee lugu ogaan karo hubka yaalla deegaannada Puntland.

“Siyaasada wasaaraddu waa in la ogaado hubka yaalla Puntland ee sida an sharciga ahaayn loo heysto,arrinta la tashiyo ayaan kala smaeynayna bulshada annago ka xog wareysaneyna sida ay ku suroobeyso,”ayuu yiri wasiirka amniga oo hadalkan ka jeediyey kulan ka dhacay xarunta PDRC oo looga hadlay siyaasada wasaaradda.

Qorsha ugu weyn ee laga doonayo hubka dhigista wasiirku waxaa uu sheegay in la doonayo sidii loo ogaan lahaa hubka yaalla Puntland ee dadka shacabka ah iyo dowladdaba gacanta ugu jira.

“Qorshahan waxaan ka leenahay sidii loo sharciyeen lahaa hubka yaalla Puntland ee ay dowladda iyo shacabkuba heystaan,”ayuu ku daray wasiirku hadalkiisa.

Ugu danbeyn,waxuu sheegay wasiirka amniga Puntland,Xasan Cismaan Aloore inay dadaal ku bixinayaan adkeynta amniga iyadoo laga hortagayo kooxo uu ku sheegay argagixisada inay dhibaato ka geysato.

Magaalooyiin ay ka mid tahay Gaalkacyo waxaa ku yaalla suuqyo lugu gado hubka,waxaana inta badan dadku ay watan hubka fudud oo an wax sharci ah lahayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More