Qarax Sababay Dhimashada Sargaal ka tirsan Nabad sugidda oo Caawa ka dhacay Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa Caawa lagu Dilay Magaalada Muqdisho, kadib markii Qarax Miino loo dhigay.

Sida ay sheegayaan Wararka la helayo Sarkaalka ayaa lagu Magacaabi jiray Axmed C/raxmaan Ciise, waxaana uu ahaa Madaxii Ciidamada Nabadsugida Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miinada Dhulka lagu aaso ee Rimuutka laga hago, waxaana Sarlaalka la qarxiyay xili uu marayay Isgooysaka Soos ee Degmadaasi Hiliwaa.

Waxaa sidoo kale Qaraxa ku dhaawacmay Haweeneey Goobta wax ku iibineysay xiliga Qaraxa uu dhacayay.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir wax war ah kama soo saarin Qaraxa Caawa lagu Dilay sargaalka Nabadsugida ka tirsanaa.

Waxaana uu qaraxaan imaanayaa Xilli Ciidanka Nabad sugidda Maalmihii ugu Danbeeyay ay ka wadeen Magaalada Muqdisho Olole Balaaran oo lagula Dagaalamayay Siyaasiyiinta Haysta Hubka Sharci Darrada ah ee Muqdisho ku sugan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More