Ra’iisul W. Cabdiwali oo caawa kulan xog waraysi ah la yeeshay Agaasimayaasha Warbaahinta Madaxa Banaan

WfaafinMuqdisho, Augsut, 18 , 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa caawa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho, Kulanka ayaa waxaa ku wehliyay Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta. Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Beeraha, iyadoo lagu casuumay agaasimayaasha warbaahinta gudaha dalka iyo kuwa caalamiga ah, waxaana kulankan oo qaatay muddo saacado ah la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku aaddan sidii ay wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen dowladda iyo qeybaha warbaahinta.

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay ujeedka Kulanka inuu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya Xukuumadda iyo Warbaahinta, isla markaana wixii qaladaada ah wadajir loo saxo.

Ra’iisul Wasaaraha oo furay kulankan ayaa madaxda hay’addaha warbaahinta u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay wadashaqeyn dhow la yeelato warbaahinta iyo sidii ay iskaashi buuxa u yeelan lahaayeen labada dhinac.

“Caawa aniga ayaa idiin yeeray waxana ujeedku yahay inaan iska waraysano sidii aan dalka u dhisi lahayn, Codkii dadka iyo indhihii dalka ayaa tihiin waa in aad uga faa’iidysataan sidii dalkaan looga saari lahaa dhibka, Waxaa naga go’an in aan lagu xadgudbin xoriyadda Saxaafadda waa naga go’an in la ixtiraamo madaxbanaanida warbaahinta, idinkana waajibaad ayaa idin saaran waa in aad qaadataan Waajibaadkiina” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

“Aragtida Dowladda oo cad waa in la arko Soomaaliya oo nabad ah, mideysan, dimuqoraadi ah lagana xurmeeyo xuquuqda aadahana oo ku taagan tubta horumarka”. Ayuu sii raaciyey Ra’iisal Wasaaruhu.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay madax iyo howlwadeeno ka tirsan warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyaga oo soo bandhigay aragtidooda ku wajahan sida loo sii horumarin karo xiriirka dawladda iyo warbaahinta, iyaga oo balan qaaday inay ka shaqeyn nayaan wacyigelinta bulshada si loo helo amni, dib u dhis iyo horumar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More