R/Wasaare Cabdiwali oo booqasho Taariikhi ah ku Tagay Xeryaha Qaxootiga waaweyn (Daawo video+Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullahi Godax Bare, Qunsulka Guud ahna ku simaha safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, mudane Siyaad Maxamuud Shire, Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka, Gudmoomiyaha Arrimaha Qaxootiga Kenya, Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, madax ka socotay Hay’ada UNHCR iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa booqasho ku tagay maanta Xeryaha Qaxootigad ee Dhadhaab.

Waftiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hogaaminayo ayaa booqasho ku soo kala bixiyey xarumaha caafimaadka, Waxbarashada, iyo kulan guud oo uu la qaatay gudiyo ay iska soo magacaabeen dadka ku nool sadexda xero.

Gudoomiyaha ariimaha qaxootiga Kenya mudane Haron Kamen ayaa xaqiijiey in Dowladda Kenya aysan marnaba doonayn in qaxootiga Soomaaliyeed ay si khasab ah dalkooda ugu celiso.

‘Kenya iyo Soomaaliya waa walaalo, waxaana ka dhexeeye xariir amni, mid ganacsi iyo mid siyaasadeed, heshiiskii seddex geesoodka ahaa wuxuu ku salaysnaa geedi socodka dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed, meelna uguma qornayn heshiiskaas in qaxootiga joogaa dalkaan khasab lagu celiyo, waxaan kale oo aan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo in ay jiraan qaxooti badan oo duruuftii adkayd ee isugu jirtay nolol xumada iyo niyad xumada ay u saamaxday in ay wax ku bartaan halkaan, ilaa heer jaamacadeedna ay ku gaaraan, qaar ayaa dalkooda dib ugu noqday iyagoo ka qayb qaadanaya dib u dhiska iyo hormarinta bulshadooda,” ayuu yiri gudoomiyaha arrimaha qaxootiga Kenya Horun isagoo dhanka kalana xusay in Soomaaliya ay soo booqan doonaan guddi ka tirsan saxiixayaashii hashiiska sadex geedka ahaa, si qiimayn loogu soo sameeyo xaalada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankiisa cadeeyey in Kenya ay u muujisay qaxootiga dulqaad badan, hadana heshiiskii sadex geesoodka ahaa iyo shirkii ka dhacay 20 –ka bishaan magaalada Addis-Ababa ay si cad u qeexeen ka soo qaybgalayaasha shirkaas in qaxootiga tirade badan ee jooga dalalkooda aan si khasab ah lagu celinaynin dalkooda.

“Safarkaan ahmiyad ayuu noo leeyahay aan saaka ku nimid xeryaha qaxootiga, wuxuuna daba socdaa shir aan ku tagnay magaalada Addis Ababa, shirkaas waxaa ka soo qayb galay wadamada martida galiyey qaxootiga Soomaaliyeed, waxayna naga balan qaadeen in ay sii hayn doonaan qaxootiga inta duruuftu uga saamaxayso in si iskood ah dalkood ugu noqdaan. Majiro qof jecel in uu noloshiisa ku dhamaysto qaxootinmo, dadka hada ku jira xeryahaan waxay sii marayaan jiilkii sadexaad, waxaa lagama maarmaan ah inaan isku darsano caqliga si aan xal waara ugu helno arinta qaxootiga Soomaaliyeed, aniga iyo xukuumadayda oo kaashanaya madaxweynaha JFS iyo xildhibaanada baarlamaanka waxaan dadaal u galaynaa sidii aan qaxootiga dib ugu soo celin lahayn dalka, maxaa yeel waa xoog ka maqan dalka, oo wax badan ku soo kordhinaya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kalana u mahadceliyey dowlada Kenya sida ay dalkeeda ugu soo dhaweysay dadka Soomalayeed.

Guddi ka ka socday sadexda xero oo kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimid, waxayna muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in ay arkaan madaxdii Soomaaliya oo ugu timid in ay wax ka ogaadaan nolosha ay ku sugan yihiin

“Waan uga mahadcelinaynaa Ra’iisul wasaaraha oo noqday qofkii ugu horeeyey oo madax ka noqda Soomaaliya oo garta in dad ka maqan yahay, 24 sano ayaan joognay halkaan walina madax ka socota soomaaliya nooma imaan, adiga iyo xukuumadaada waxaan ka sugaynaa in aad wadanka xasilisaan. 70% qaxootigu waa dhaliyaro u baahan in mustaqbal wanaagsan iyo shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan loo abuuro, tusaale ahaan xeryaha qaxootiga waxaan imid anigoo afar sano jir ah, waxaan hada haystaa labo carur ah, waxaana ka mid noqday gudi xeryaha ka baxay oo booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, waxaan booqanay iskuulada, waxaana noo muuqatay in manhajka waxbarasho ee dalku inuu yahay mid isku dhex yaacsan, waxaan dowalada ka codsanaynaa in soo celiyaan adeegyada bulshada si dadku dib ugu noqdaan dalkooda” ayeey tiri Faadumo oo ku hadlaysay magaca gudiga xeryaha

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhooweeyey talooyinka ay soo jeediyeen guddiga ka socday xeryaha isagoona sheegay in xukuumadiisu ay mudnaanta koobaad siinayso arrimaha qaxootiga Soomaaliya.










Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More