Saraakiisha Juba Oo Beeniyay Inay Ciidamo Kasoo Goosteen

Muqdisho (GT)-Maamulka Jubba ayaa been abuur ku tilmaamay ciidamo dhawaan lagu soo bandhigay deegaanka Goobweyn ee duleedka Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo la sheegay inay ka goosteen dhanka Maamulka Axmed Madoobe.

Ismaaciil Kheyre Dhuxuloow oo kamid ah Saraakiisha Maamulka Jubba, ayaa sheegay in ciidamada Goobweyn lagu soo bandhigay ay yihiin, kuwa Barre Hiiraale ciidankiisa ka tirsan oo direes ay u galiyeen, kadibna ay soo sawireen.
Sarkaalkaan ka tirsan Maamulka KMG ee Jubba, ayaa sidoo kale sheegay inaysan marnaba suuragal aheyn in ciidamo ka goosta Maamulka Jubba ay ku biiraan Barre Hiiraale oo uu sheegay inuu yahay duur joog.
“Ciidamada direes ayeey ugaliyeen waana ay sawireen, walaahi anaga ciidankaasi nagama goosan waana nasiibdaro in beenta noocaasi ah ay sheegaan”Sidaasi waxaa yiri Ismaaciil Kheyre Dhuxuloow.
Ciidamada Barre Hiiraale iyo Saraakiishiisa ayuu tilmaamay inay dhowr mar ujeediyeen baaq ku aadan inay qaataan nabadda hayeeshe ay ka biyo diideen qaadashada Nabadda, ayna diyaar u yihiin inay dagaal la galaan.
Ismaaciil Kheyre Dhuxuloow ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada ammaanka Magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in ammaanka Magaalada Kismaayo uu yahay mid wanaagsan oo maalmahan aysan ka dhicin falal lidi ku ah dhanka ammaanka.
Gelinsoortimes

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More