Sh.Muxamed Macalin oo Booqday Dawrada ay Munadamada Beder ka wado Gaalkacyo

Gaalkacyo : Booqashadaani uu Sh.Muxamed Macalin Axmed ku booqday. Ardayda wax kabarata Dawrada ay Munadamada Beder ee Ardada kabaxday Machadka Al-Faaruuq kawado Magaalada Gaalkacyo laguna Qabtay Jaamacada Bariga Afrika (Gaalkacyo) ayaa waxaa ku weheliyay Maamulaha Machadka Al-Faaruuq Sh.Cilmi Yuusuf  Axmed , Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj
ee Dacwada iyo Horumarinta Ustaad Muxamed Maxamuud Ciise , iyo Xubno kale oo Mu’asasada katirsan.

Ujeedka Booqashada Sh.Muxamed Macalin ayaa waxaa ay ahayd sidii uu Waano iyo Dardaaran ugusoo jeedin lahaa Ardada uguna dhiiri galin lahaa inay sii wadaan Barashada Diinta oo aysan ku ekayn Dawradaan oo kaliya.

Sh.Muxamed ayaa waxaa uu ardayda uga waramay Faaidada iyo Fadliga dheeriga ah ee Barashada Diintu ay leedahay waxaana uu sheegay in Qofka uu Alle khayrka la doono uu fahansiiyo Diinta iyada oo Barashada Diintuna ay tahay Wadadii loo marayay Fahanka diinta. Dawrada oo ay ka faaidaysanayaan Rag iyo Dumarba ayaa waxaa Sh.Muxamed Macalin uu aad ugu dheeraaday WaanadaGabdhaha oo ah Hooyooyinka Mustaqbal , islamarkaana ah Tirada ugu badan ee Ardayda ka faaidaysanaysa Dawrada.

Dawrka Dhaliyarada kaga aadan u gargaarida Diinta Alle iyo Fidinteeda ayuu Sh.Muxamed Macalin ku dhiiri galiyay inay kasoo dhalaalaan oo ay u gutaan si qurux badan ayna ku daydaan Dadkii ka horeeyay iyada oo kaalinta Dhalinyarada kaga aadan u gargaarida Diinta Allana ay iskugusoo biya Shubanayso in Dhalinyaradu :-
•       Ay Cilmiga Shareecada Bartaan.
•       in ay ku Dhaqmaan Cilmiga ay Barteen.
•       in ay ka fogaadaan Khilaafka iyo kala taga Dadkana ay ugu digaan.
•       in ay ku dadaalaan isu soo dhawaynta Quluubta Dadwaynaha Muslimiinta ah.
•       in ay Dadka caawiyaan ayna Wanaaga faraan Xumaantana ugu digaan.
•       in ay aad ugu dadaalan Dadka inay Dacwada u gaarsiiyaan Qof  , Qof.
•       in ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Dacwada Diinta Islaamka.
iyo kuwo kale oo fara badan.
Si kastaba ha ahaateen Booqashadaani uu Sh.Muxamed Macalin ku tagay
Dawrada ka soconaysa Jaamacada Bariga Afrika ee ay ay qabanayso
Munadamada (Urur) Beder ayaa waxaa uu qayb ka yahay Hawlo Dacwo oo
Shiikhu uu u joogo Magaalada Gaalkacyo.
Cabdiraxmaan Bilaal Caad (Sanka)

 

GT newsdesk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More