Sidee u dhacday Doorashadii Khaatuma ee lagu doortay Cali Khaliif

Doorasho maanta lagu qabtay Degaanka Saaxdheer oo ka tirsan Gobolka Sool ayaa Cali Khaliif galeydh uu ku guuleystay inuu noqdo hogaamiyaha Maamulka Khaatimo isagoo ka guuleystay Maxamed Yuusuf Indhosheel.

sidoo kale Hogaamiye ku xigeenka Khaatumo ayaa waxaa loo doortay Cabdul Cagalule oo ka guuleystay Mukhtaar Ibraahim Xabashi.

markii ay soo ifbaxday inuu Cali Kahliif guuleystay ayaa waxaa Magaalada laascaanood waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerayay inkastoo Ciidamada Somaaliland ay kala ceeyriyeen dadkaasi.

Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh oo ah nin Somaaliya laga dhax yaqaano ayaa xilal kala duwan kaso qabtay dowladihii dalka soo maray.

Cali Khaliif waxa uu ku dhashay Magaalada Laascaanood 1941-kii isagoo waxbarashada hoose ,dhexe iyo sare ku qaatay Dugsiga Magaalada Sheikh ,waxaana intii u dhexeysay sanadihii 1963-kii-1965-kii uu minxa waxbarasho ka helay Jaamacada Boston ,halkaasi Jaamacad kaga baxay isagoo bartay Kuliyada Cilmiga siyaasdaa iyo dhaqaalaha.

sidoo kale intii u dhexeysay `1967-kii-1969-kii wuxuu darajada waxbarasho ee Masterka ka qaatay Jaamacada Syracuse ee Magaalada Newyork wuxuuna ka heystaa kuliyada Maamulka guud iyo Hey’daha Dowladda.

xilgaasi kadib mudo afar sano ah Jaamacadii uu ka baxay ayuu la shaqeynayay ,iyadoo 1974-tii uu madax ka noqday Warshadii Sokorta ee Jowhar.

xilgaasi kadib waxaa ku soo xigtay in sanadkii 2001-kii uu R.wasaare ka noqday Dowladii C/Qaasim salaad Xasan.

ka dibna waxa uu ahaa Xildhibaan katirsan Baaralamanka Somaaliya oo ilaa hada uu xubin ka yahay.

waxaa la aaminsan yahay in Mr Galeydh uu yahay siyaasi rugcadaa ah balse aan nasiib u helin inuu masuul sare ka noqdo Maamul iyo Dowlad awood badan.

Cali Kahliif Galeydh ayaa hada hogaamin doona Maamul aan la aqoonsaneyn oo caqabado badan ay horyaalaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More