Siyaasiyiinta Hubeesan ee kusugan Magaalada Muqdisho oo inta badan Hubkooda kala baxay Magaalada(Warbixin)

Warar aan helnay ayaa xaqjiinaya in badan oo kamid ah Siyaasiyiinta Hubeesan ee kusugan Magaalada Muqdisho ay bilaabeen qorsho ay hubkooda ku bad baadsanayaan ugalana baxayaan Magaalada Muqdisho oo howlgalo hubka ka dhigis ah ka bilowday.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada qorshayaal ay hubka uga dhigeyso Siyaasiyiin iyo Hogaamiyaal hubeesan oo kusugan Magaalada Muqdisho , waxaana howlgalkii ugu dambeeyay Dowlada ee Muqdisho ka sameesay hub badan kala wareegtay Axmed Daaci.

Siyaasiyiin iyo Hogaamiyaal hubeesan oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa hada bilaabay in hubkooda ay kala baxaan Magaalada Muqdisho , waxaana inta badan Siyaasiyiintan hubeesan hubkooda geesteen Deegaano iyo Magaalooyin kuyaala Gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Shabeelaha Hoose.

Howlgalada hub ka dhigista ah ayaa hada ah mid ku ek kaliya Caasimada Muqdisho , waxaana Magaalada Muqdisho hada kusii yaraanaya hubka ay lahaayeen Hogaamiyaashii hore ee Kooxaha iyo Siyaasiyiinta hubeesan waxa ayna inta hada Muqdisho jooga kaliya ay reebteen ilaalo aad u yar.

Dowlada Soomaaliya ma shaacin in Howlgalada hubka looga dhigayo Hogaamiyaasha iyo kooxaha hubeesan kaliya uu ku ekaanayo Magaalada Muqdiho iyo in uu ku fidayo howlgalkaasi dhamaan Gobolada ay Dowlada Soomaaliya ay gacanta ku heyso.

Waxaa jira Dhaliilo badan oo Dowlada Soomaaliya loo jeedinayo oo ku aadan qaabka ay Dowlada u mareyso hub kadhigsta lagu sameenayo kaliya Hogaamiyaasha iyo Siyaasiyiinta hubeesan ee kasoo jeeda Magaalada Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More